Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

Faadir

external-link copy
1 : 35

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ فَاطِرِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ جَاعِلِ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ رُسُلًا أُوْلِيٓ أَجۡنِحَةٖ مَّثۡنَىٰ وَثُلَٰثَ وَرُبَٰعَۚ يَزِيدُ فِي ٱلۡخَلۡقِ مَا يَشَآءُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

1. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa mudan Alle, askumaha (abuuray) samooyinka iyo arlada, ka yeelay malaa’igta Rusul (farriin wadayaal) leh garbo (baalal ay ku duulaan), labo iyo saddex iyo afarba. Wuxuu ku kordhiyaa abuurista wuxuu doono. Hubaal Alle wax walba wuu Karaa. info

1. Faadir: Abuuraha, kan aheysiiyey ee askumay (billaabay uunka). Waxaa Suuraddan sidoo kale la yidhaahdaa: Al-Malaa’ikah.

التفاسير:

external-link copy
2 : 35

مَّا يَفۡتَحِ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ مِن رَّحۡمَةٖ فَلَا مُمۡسِكَ لَهَاۖ وَمَا يُمۡسِكۡ فَلَا مُرۡسِلَ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدِهِۦۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

2.Wax kastoo Alle u furo dadka oo Naxariis ah, ma jiro wax celin kara, wuxuu celiyana ma jiro wax soo diri kara Isaga kadambow. Waana Adkaadaha, Xakiimka ah. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 35

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡۚ هَلۡ مِنۡ خَٰلِقٍ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَرۡزُقُكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِۚ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

3. Dadow! Xusuusnaada Nicamadda Alle dushiinna; Ma waxaa jira abuure kale aan ahayn Allaah oo idinka arsaaqa cirka iyo dhulka? Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. Ee xaggee baa la idiinka iilay? info
التفاسير: