Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

external-link copy
15 : 20

إِنَّ ٱلسَّاعَةَ ءَاتِيَةٌ أَكَادُ أُخۡفِيهَا لِتُجۡزَىٰ كُلُّ نَفۡسِۭ بِمَا تَسۡعَىٰ

15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo3 si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay. info

3. Macnaha waxaa weeye in Alle subxaanahu watacaalaa uu ka qariyo cid walba ogaanshaha waqtiga Saacadda Qiyaame dhaceyso, oo Isaga uun baa Ogsoon Keliya.

التفاسير: