Fassarar Ma'anonin Alqura'ni - Fassarar Somaliyya - Abdallah Hassan Ya'ƙub

external-link copy
76 : 16

وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا رَّجُلَيۡنِ أَحَدُهُمَآ أَبۡكَمُ لَا يَقۡدِرُ عَلَىٰ شَيۡءٖ وَهُوَ كَلٌّ عَلَىٰ مَوۡلَىٰهُ أَيۡنَمَا يُوَجِّههُّ لَا يَأۡتِ بِخَيۡرٍ هَلۡ يَسۡتَوِي هُوَ وَمَن يَأۡمُرُ بِٱلۡعَدۡلِ وَهُوَ عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

76. Wuxuu (kaloo) Alle tusaale ka yeelaa labo nin, oo midkood af la’yahay (hadli karin), kaasoo aan waxna karin inuu hagaajiyo, oo isagu ku ah culeys abaankiisa, meeshuu u diraba aan ka keenin khayr. Miyaa lala simi karaa mid amra caddaalad oo isagu (naf ahaantiisa) ku sugan Jid Toosan (Islaamka)? info
التفاسير: