Translation of the Meanings of the Noble Qur'an - Somali Translation - Abdullah Hasan Yaqoub

Page Number:close

external-link copy
63 : 11

قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَءَيۡتُمۡ إِن كُنتُ عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَءَاتَىٰنِي مِنۡهُ رَحۡمَةٗ فَمَن يَنصُرُنِي مِنَ ٱللَّهِ إِنۡ عَصَيۡتُهُۥۖ فَمَا تَزِيدُونَنِي غَيۡرَ تَخۡسِيرٖ

63. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Bal ka warrama haddaan ka heysto Xujo Cad (yaqiin, hanuun, cilmi) Rabbigay, oo uu i siiyey Naxariis (Nabinnimo) Xaggiisa ah, yaa iiga gargaari (cadaabka) Alle, Haddaan ku caasiyo? Iimana kordhineysaan waxaan aheyn khasaaro. info
التفاسير:

external-link copy
64 : 11

وَيَٰقَوۡمِ هَٰذِهِۦ نَاقَةُ ٱللَّهِ لَكُمۡ ءَايَةٗۖ فَذَرُوهَا تَأۡكُلۡ فِيٓ أَرۡضِ ٱللَّهِۖ وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابٞ قَرِيبٞ

64. Tolkayow! Tani waa Hashii Alle, oo idiin ah calaamad, ee iska daaya ha daaqdo arlada Alle, hana u gaysannina wax xumaan ah, si aanay idiinku dhicin Cadaab dhow. info
التفاسير:

external-link copy
65 : 11

فَعَقَرُوهَا فَقَالَ تَمَتَّعُواْ فِي دَارِكُمۡ ثَلَٰثَةَ أَيَّامٖۖ ذَٰلِكَ وَعۡدٌ غَيۡرُ مَكۡذُوبٖ

65. Wayse boqna gooyeen hashii (oo gowraceen)16. Markaasuu wuxuu yidhi: Ku raaxeysta degaankiinna saddex maalmood Kaasi waa wacad run ah aan la beeninayn. info

16. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.

التفاسير:

external-link copy
66 : 11

فَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا صَٰلِحٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَمِنۡ خِزۡيِ يَوۡمِئِذٍۚ إِنَّ رَبَّكَ هُوَ ٱلۡقَوِيُّ ٱلۡعَزِيزُ

66. Markuu u yimid Amarkayaga, waxaan ku badbaadinnay Saalix iyo intii rumeysey naxariis ka ahaatay Xaggayaga (oo ka bad- baadinnay) dulligii Maalintaas. Hubaal Rabbigaa, waa Awood Badanaha, Adkaadaha sare ah. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 11

وَأَخَذَ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ

67. Qeylo weyn (qarax daran) baana qabtay17 kuwii dulmiga falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u yaal guryahooda. info

17. Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin.

التفاسير:

external-link copy
68 : 11

كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَآ إِنَّ ثَمُودَاْ كَفَرُواْ رَبَّهُمۡۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّثَمُودَ

68. Sidii inaysan weligoodba ku dhex negaan halkaa.Thamuud waxay ku gaaloobeen Rabbigood. Ee ha fogaadeen Thamuud (qoonkii Saalix). info
التفاسير:

external-link copy
69 : 11

وَلَقَدۡ جَآءَتۡ رُسُلُنَآ إِبۡرَٰهِيمَ بِٱلۡبُشۡرَىٰ قَالُواْ سَلَٰمٗاۖ قَالَ سَلَٰمٞۖ فَمَا لَبِثَ أَن جَآءَ بِعِجۡلٍ حَنِيذٖ

69. Rusushayadii (malaa'igta ahayd) waxay ula yimaadeen Ibraahiim war bishaaro ah18. Waxay yidhaadeen: Salaam (nabad ahow daa'in iyo abad). Wuxuu ku jawaabay, Salaam (nabad ahaada) wax yar kaddibna wuxuu sooryo ugu keenay weyl shiilan. info

18. Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud.

التفاسير:

external-link copy
70 : 11

فَلَمَّا رَءَآ أَيۡدِيَهُمۡ لَا تَصِلُ إِلَيۡهِ نَكِرَهُمۡ وَأَوۡجَسَ مِنۡهُمۡ خِيفَةٗۚ قَالُواْ لَا تَخَفۡ إِنَّآ أُرۡسِلۡنَآ إِلَىٰ قَوۡمِ لُوطٖ

70. Markiise uu arkay in aanay gacmahooda u soo fidin xaggeeda, wuu qoonsaday oo ka gashay cabsi xaggooda19. Waxay ku yidhaahdeen: Ha cabsan, waxaa naloo soo diray reer Luud. info

19. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.

التفاسير:

external-link copy
71 : 11

وَٱمۡرَأَتُهُۥ قَآئِمَةٞ فَضَحِكَتۡ فَبَشَّرۡنَٰهَا بِإِسۡحَٰقَ وَمِن وَرَآءِ إِسۡحَٰقَ يَعۡقُوبَ

71.Marwadiisuna (Saarah) waxay taagnayd (halkaa), markaasay qososhay20, waxaana ugu bushaareynay Isxaaq, gadaashina (wiil wiilki) Yacquub. info

20. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.

التفاسير: