16. Dilkooda hasha wuxuu ahaa xadgudub weyn iyo ku dhiirrasho wuxuu ka reebay Nabigoodii Saalix, sidaas awgeed buu Alle u xukumay inuu cadaabo isagoo ku xaddiday cumrigooda oo keliya seddex maalmood, wuxuuna amray inay sahay qaataan oo raaxeystaan seddex maalmood ku digasho ahaan.
17. Waxaa durba lagu ciqaabay qarax aad weyn ee ka yimid xagga samada oo mar gilgilay oo cidhib tiray sida inaysanba horay u jirin.
18. Dhalashda Isxaaq ama halaagga qowmu Luud.
19. Caado ahaan, hadduu qofka martida ah diido in la sooro oo wax cuno, macnaheedu waxaa weeye wuxuu damacsan yahay xumaan xagga martigeliyahiisa ama la doonayaa dhibaato.
20. Ku farxid warka san ee ku imaanshaha ciqaab dadka xun ee beeniyey Nabi Luud ayna u dheer yihiin falal kale oo aad u xun. Daxikat waxaa lagu fasiray oo kale waxay heshay dhiiggii caadada iyadoo duqowday.