10. Calaamad ahaan ku socoto Nuux oo wargelin ah soo dhowaanshaha daadka. Tannuur waa tiinnaar ballaaran, foorno afar gees ah. Kelmedda Tannuur waxaa loola jeedi karaa sidoo kale dhulka meelahiisa toggagga ah hoose iyo ilaha.
11. Magaca wiilkaa Nuux ee gaalka ahaa waa Kancaan, wiilashiisa mu’miniinta ahse waxay kala ahaayeen: Saam, Xaam, iyo Jabiith.
12. Alle wuu oofiyey gooddigiisa inuu halligi doono gaalada, kuwaasoo diiday Dhambaalkii Nuux c.s., oo ku adkeystey shirkiga iyo macaasida, wuxuuna Alle xafiday oo badbaadshay mu’miniinta.
13. Buurta Juudi ee ku taal Armiiniya oo Koonfur ka xigta Turkiya xuduudda Mesopatmia.