Übersetzung der Bedeutungen von dem heiligen Quran - Die Übersetzung in Somali - Abdullah Hasan Yaqub

Nummer der Seite:close

external-link copy
89 : 11

وَيَٰقَوۡمِ لَا يَجۡرِمَنَّكُمۡ شِقَاقِيٓ أَن يُصِيبَكُم مِّثۡلُ مَآ أَصَابَ قَوۡمَ نُوحٍ أَوۡ قَوۡمَ هُودٍ أَوۡ قَوۡمَ صَٰلِحٖۚ وَمَا قَوۡمُ لُوطٖ مِّنكُم بِبَعِيدٖ

89. Tolkayow! Yaysan idiin soo jiidin colaaddaad ii qabtaan denbi fal sidaa darteed uu idinku dhaco wax la mid ah wixii ku dhacay qolodii Nuux ama qolodii Huud ama qolodii Saalix, qolodii Luudna ma aha wax idinka fog. info
التفاسير:

external-link copy
90 : 11

وَٱسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّكُمۡ ثُمَّ تُوبُوٓاْ إِلَيۡهِۚ إِنَّ رَبِّي رَحِيمٞ وَدُودٞ

90. Ee weydiista denbi dhaaf (Alle) Rabbigiin una toobad keena. Rabbigay waa Naxariis Badane, Jecel (ciddii toobad keenta). info
التفاسير:

external-link copy
91 : 11

قَالُواْ يَٰشُعَيۡبُ مَا نَفۡقَهُ كَثِيرٗا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَىٰكَ فِينَا ضَعِيفٗاۖ وَلَوۡلَا رَهۡطُكَ لَرَجَمۡنَٰكَۖ وَمَآ أَنتَ عَلَيۡنَا بِعَزِيزٖ

91. Waxay yidhaahdeen: Shucaybow! Fahmi mayno in badan oo waxaad leedahay ah, waxaana kuu aragnaa mid daciif ah dhexdayada. Haddaannu kugu xaq dhowreyn tolkaa dhagax tuur baan kugu dili lahayn, mana tihid adigu mid nagu leh ciso iyo sharaf dhexdeenna. info
التفاسير:

external-link copy
92 : 11

قَالَ يَٰقَوۡمِ أَرَهۡطِيٓ أَعَزُّ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱللَّهِ وَٱتَّخَذۡتُمُوهُ وَرَآءَكُمۡ ظِهۡرِيًّاۖ إِنَّ رَبِّي بِمَا تَعۡمَلُونَ مُحِيطٞ

92. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Ma reerkaan ka dhashay baa idin kala darajo roonaaday Alle? Oo ka yeelataan sida waxaad tuurtaan dhabarkiinna gadaashiis; hubaal Rabbigay waa koobaa waxa aad fashaan. info
التفاسير:

external-link copy
93 : 11

وَيَٰقَوۡمِ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنِّي عَٰمِلٞۖ سَوۡفَ تَعۡلَمُونَ مَن يَأۡتِيهِ عَذَابٞ يُخۡزِيهِ وَمَنۡ هُوَ كَٰذِبٞۖ وَٱرۡتَقِبُوٓاْ إِنِّي مَعَكُمۡ رَقِيبٞ

93. Tolkayow! U camal fasha sida karaankiinna ah, aniguna sidoo kale waan camal falanayaa. Waadse ogaan doontaan waa kee kan ay ku iman cadaab dulleysa, waana kee kaasi ah beenale, oo dhowra, aniguna sidoo kale waan idinla dhowri (sugayaa natiijada iyo waxa idinku dhaca). info
التفاسير:

external-link copy
94 : 11

وَلَمَّا جَآءَ أَمۡرُنَا نَجَّيۡنَا شُعَيۡبٗا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مَعَهُۥ بِرَحۡمَةٖ مِّنَّا وَأَخَذَتِ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلصَّيۡحَةُ فَأَصۡبَحُواْ فِي دِيَٰرِهِمۡ جَٰثِمِينَ

94. Markuu yimid Amarkayagii, Waxaan ku badbaadinnay Shucayb iyo intii la rumeysey Naxariis ka ahaatay Xaggayaga. oo qeylo weyn (qarax daran) baa qabtay kuwii dulmiga (shirkiga iyo xumaha) falay, markaasay noqdeen baqti af gambi u dhex yaal guryahooda (ummadahaasoo dhan waa la rogay). info
التفاسير:

external-link copy
95 : 11

كَأَن لَّمۡ يَغۡنَوۡاْ فِيهَآۗ أَلَا بُعۡدٗا لِّمَدۡيَنَ كَمَا بَعِدَتۡ ثَمُودُ

95. Sidii inayan weligoodba ku noolaan halkaa. Ee ha fogaadeen Madyan siday u fogaadeenba Thamuud. info
التفاسير:

external-link copy
96 : 11

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا مُوسَىٰ بِـَٔايَٰتِنَا وَسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ

96. Waxaana dhab ahaan la soo dirnay Muuse Aayadahayagii iyo Xujo Cad. info
التفاسير:

external-link copy
97 : 11

إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ فَٱتَّبَعُوٓاْ أَمۡرَ فِرۡعَوۡنَۖ وَمَآ أَمۡرُ فِرۡعَوۡنَ بِرَشِيدٖ

97. Xagga Fircoon iyo xildhibaannadi, waxayse raaceen amarkii Fircoon, oo amarka Fircoonna ma aheyn mid toosan. info
التفاسير: