Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub.

Al-infidaar

external-link copy
1 : 82

إِذَا ٱلسَّمَآءُ ٱنفَطَرَتۡ

1. Markay samada dildillaacdo. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 82

وَإِذَا ٱلۡكَوَاكِبُ ٱنتَثَرَتۡ

2. Xiddiguhu daataan oo kala firdhaan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 82

وَإِذَا ٱلۡبِحَارُ فُجِّرَتۡ

3. Badaha laysku furo oo soo fatahaan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 82

وَإِذَا ٱلۡقُبُورُ بُعۡثِرَتۡ

4. Qabuuraha la soo qufo. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 82

عَلِمَتۡ نَفۡسٞ مَّا قَدَّمَتۡ وَأَخَّرَتۡ

5. Naf walbaa waxay ogaan waxay hormarsatay iyo (waxay) dib dhigatay (khayr ama shar oo laga jaazeyn). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 82

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡإِنسَٰنُ مَا غَرَّكَ بِرَبِّكَ ٱلۡكَرِيمِ

6. Qof yahow! Maxaa kaa jeediyey Rabbigaaga, Roonaanta Badan? info
التفاسير:

external-link copy
7 : 82

ٱلَّذِي خَلَقَكَ فَسَوَّىٰكَ فَعَدَلَكَ

7. Kaasoo ku abuuray, kuna ekeeyey oo ku simay? info
التفاسير:

external-link copy
8 : 82

فِيٓ أَيِّ صُورَةٖ مَّا شَآءَ رَكَّبَكَ

8. Suuradduu doonana kuu sameeyey?. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 82

كَلَّا بَلۡ تُكَذِّبُونَ بِٱلدِّينِ

9. Mayee bal waxaad beenisaan maalinta is abaal marinta (jaazeynta). info
التفاسير:

external-link copy
10 : 82

وَإِنَّ عَلَيۡكُمۡ لَحَٰفِظِينَ

10. Waxaa korkiinna ah (oo idiin xil saaran malaa’ig) gaar idinka haya. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 82

كِرَامٗا كَٰتِبِينَ

11.Sharaf leh, qoraya (acmaashiinna), info
التفاسير:

external-link copy
12 : 82

يَعۡلَمُونَ مَا تَفۡعَلُونَ

12. Ogsoon wax kastoo aad fashaan. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 82

إِنَّ ٱلۡأَبۡرَارَ لَفِي نَعِيمٖ

13. Baarriyadu waxay dhex ahaan barwaaqo (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 82

وَإِنَّ ٱلۡفُجَّارَ لَفِي جَحِيمٖ

14. Xume falayaashuna waxay ku sugnaan Naar ololaysa. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 82

يَصۡلَوۡنَهَا يَوۡمَ ٱلدِّينِ

15. Ay geli oo ku guban Maalinta Is abaalmarinta (Jaazeynta). info
التفاسير:

external-link copy
16 : 82

وَمَا هُمۡ عَنۡهَا بِغَآئِبِينَ

16. Kamana maqnaadaan marnaba xaggeeda (Naarta). info
التفاسير:

external-link copy
17 : 82

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

17. Maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay? info
التفاسير:

external-link copy
18 : 82

ثُمَّ مَآ أَدۡرَىٰكَ مَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ

18. Misna, maxaa ku ogeysiiyey waxay Maalinta is abaal marintu tahay? info
التفاسير:

external-link copy
19 : 82

يَوۡمَ لَا تَمۡلِكُ نَفۡسٞ لِّنَفۡسٖ شَيۡـٔٗاۖ وَٱلۡأَمۡرُ يَوۡمَئِذٖ لِّلَّهِ

19. (Waa) maalinta aysan nafi wax u tarin naf kale. Amarkana Maalintaas waxaa gebi ahaanba iska leh Allaah. info
التفاسير: