Qurani Kərimin mənaca tərcüməsi - Somali dilinə tərcümə - Abdullah Həsən Yaqub.

Al-masad

external-link copy
1 : 111

تَبَّتۡ يَدَآ أَبِي لَهَبٖ وَتَبَّ

1. Ha hoogeen labada gacmood ee Abuu-Lahab1, hoogyeyna2. info

1. Waa Nabiga adeerki oo ahaa cadow Islaam, waxaana la mid ah oo soo galaya cadow Islaam kasta.
2. Markay soo degtay Aayadda Qur'aanka ee leh: "U dig xigaaladaada kuu dhow". Nabigu s.c.w. wuxuu billaabay inuu u yeeraa ( qabaa'isha Carbeed): Reer Banii Fihirow, Reer Banii Cadiyow, isagoo mid mid u xusaya jilbaha iyo laamaha ay ka kooban yihiin Quraysh. Xitaa ninkii aan imaan karin wuxuu soo dirsaday cid ka socota isaga si uu u soo eego waxa jira. Markaasaa waxaa yimid Abuu Lahab iyo odayaashii Quraysh. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ka warrama haddaan idiin sheego ciidan fardooley ah oo soo socda toggan gadaashiisa ee dooneysa inay idin weeraraan ma iga rumeysan laheydeen? Waxay yidhaahdeen: Haa , kuguma baran waxaan run aheyn.. markaasuu Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Haddaba waxaan idiinka digayaa cadaab daran oo idinku soo fool leh haddii aydaan Allaah rumeyn iyo Rusushiisa. Abuu Lahab wuxuu yidhi: Hoog oo ba' maanta oo idil, ma waxaan baad isugu kaaya yeertay? Markaasaa waxaa soo degay Tabbat Yadaa Abii Lahab….

التفاسير:

external-link copy
2 : 111

مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُ مَالُهُۥ وَمَا كَسَبَ

2. Waxna uma tarin maalkiisa iyo wuxuu kasbaday. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 111

سَيَصۡلَىٰ نَارٗا ذَاتَ لَهَبٖ

3. Wuxuu geli oo ku guban Naar olol badan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 111

وَٱمۡرَأَتُهُۥ حَمَّالَةَ ٱلۡحَطَبِ

4. Iyo marwadiisuba, xaabo siddada ah, (xanta, xinta iyo dirdirada badan), info
التفاسير:

external-link copy
5 : 111

فِي جِيدِهَا حَبۡلٞ مِّن مَّسَدِۭ

5. Qoorteeda waxaa la yeeli xadhig adag xaskul la soohay (oo Naar) ah. info
التفاسير: