ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب

سورة النازعات - An-naazicaat

external-link copy
1 : 79

وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرۡقٗا

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 79

وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشۡطٗا

2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada). info
التفاسير:

external-link copy
3 : 79

وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبۡحٗا

3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 79

فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبۡقٗا

4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 79

فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرٗا

5. Iyo (malaa'igta) isku duwa arrin (walba) (si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 79

يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ

6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 79

تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ

7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad). info
التفاسير:

external-link copy
8 : 79

قُلُوبٞ يَوۡمَئِذٖ وَاجِفَةٌ

8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 79

أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةٞ

9. Indhahoodu dulleysnaan. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 79

يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ

10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)? info
التفاسير:

external-link copy
11 : 79

أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا نَّخِرَةٗ

11. Ma markaan noqonno lafo bololay? info
التفاسير:

external-link copy
12 : 79

قَالُواْ تِلۡكَ إِذٗا كَرَّةٌ خَاسِرَةٞ

12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 79

فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ

13. Waase hal Qeylo keliya. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 79

فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ

14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib). info
التفاسير:

external-link copy
15 : 79

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse? info
التفاسير:

external-link copy
16 : 79

إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى

16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 79

ٱذۡهَبۡ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ إِنَّهُۥ طَغَىٰ

17. Aad Fircoon, wuu xadgudbaye. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 79

فَقُلۡ هَل لَّكَ إِلَىٰٓ أَن تَزَكَّىٰ

18. Oo ku dheh: Ma dooneysaa inaad iska daahiriso (shirkiga iyo macaasida)? info
التفاسير:

external-link copy
19 : 79

وَأَهۡدِيَكَ إِلَىٰ رَبِّكَ فَتَخۡشَىٰ

19. Oo aan kugu hanuunsho xagga (Alle) Rabbigaa si aad uga baqdo?. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 79

فَأَرَىٰهُ ٱلۡأٓيَةَ ٱلۡكُبۡرَىٰ

20. Markaasuu tusay Calaamddii Weyneyd (gacantii ifeysay ama ushii maska weyn noqoneysay). info
التفاسير:

external-link copy
21 : 79

فَكَذَّبَ وَعَصَىٰ

21. (Fircoon) se wuu beeniyey oo caasiyey. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 79

ثُمَّ أَدۡبَرَ يَسۡعَىٰ

22. Markaasuu dib u jeestay isagoo (xumaan u) socda. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 79

فَحَشَرَ فَنَادَىٰ

23. Oo soo kulmiyey (dadkiisii) oo kor u dhawaaqay. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 79

فَقَالَ أَنَا۠ رَبُّكُمُ ٱلۡأَعۡلَىٰ

24. Oo yidhi: Waa aniga rabbigiin, sarreeya. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 79

فَأَخَذَهُ ٱللَّهُ نَكَالَ ٱلۡأٓخِرَةِ وَٱلۡأُولَىٰٓ

25. Markaasuu Alle ku dhigay ciqaab lagu tusaale qaato (xadgudubkii) dambe (sheegashadiisa ilaahnimo) iyo tii hore darteed (beeninta Muuse). info
التفاسير:

external-link copy
26 : 79

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَعِبۡرَةٗ لِّمَن يَخۡشَىٰٓ

26. Arrinkani waxaa ugu sugan cibrad (digniin) qof kastoo ka baqa Alle. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 79

ءَأَنتُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَمِ ٱلسَّمَآءُۚ بَنَىٰهَا

27. Ma idinkaa adag abuur ahaan, mise samada, wuu dhisay. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 79

رَفَعَ سَمۡكَهَا فَسَوَّىٰهَا

28.Wuxuu (samada) kor yeelay jurmigeeda oo waliba simay. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 79

وَأَغۡطَشَ لَيۡلَهَا وَأَخۡرَجَ ضُحَىٰهَا

29. Oo ka yeelay mugdi habeenkeeda oo soo bixiyey maalinteeda (ifiyey). info
التفاسير:

external-link copy
30 : 79

وَٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ دَحَىٰهَآ

30. Dhulka markaa kaddib fidshay. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 79

أَخۡرَجَ مِنۡهَا مَآءَهَا وَمَرۡعَىٰهَا

31. Wuxuu ka soo saaray biyaheeda iyo baadkeeda; info
التفاسير:

external-link copy
32 : 79

وَٱلۡجِبَالَ أَرۡسَىٰهَا

32. Buurahana wuu dhidbay; info
التفاسير:

external-link copy
33 : 79

مَتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ

33. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolahiinnuba. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 79

فَإِذَا جَآءَتِ ٱلطَّآمَّةُ ٱلۡكُبۡرَىٰ

34. Markase ay timaaddo musiibada weyni. info
التفاسير:

external-link copy
35 : 79

يَوۡمَ يَتَذَكَّرُ ٱلۡإِنسَٰنُ مَا سَعَىٰ

35. Maalinka uu Aadmigu xusuusan wuxuu falay oo dhan. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 79

وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِمَن يَرَىٰ

36. Oo Naarta loo muujiyo qof (waliba) oo arkaya, info
التفاسير:

external-link copy
37 : 79

فَأَمَّا مَن طَغَىٰ

37. Ma qofkii xad gudba. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 79

وَءَاثَرَ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا

38. Oo door bida nolosha adduunkan. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 79

فَإِنَّ ٱلۡجَحِيمَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ

39. Hubaal Naarta waa hoygiisa. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 79

وَأَمَّا مَنۡ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِۦ وَنَهَى ٱلنَّفۡسَ عَنِ ٱلۡهَوَىٰ

40. Qofkiise ka cabsada hor istaagga Rabbigi, oo ka reeba nafta hawa raaca. info
التفاسير:

external-link copy
41 : 79

فَإِنَّ ٱلۡجَنَّةَ هِيَ ٱلۡمَأۡوَىٰ

41. Hubaal Jannada - waa hoygiisa. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 79

يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلسَّاعَةِ أَيَّانَ مُرۡسَىٰهَا

42. Waxay wax kaa weydiin (Nabiyow) Saacadda (Qiyaame) goortay tahay. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 79

فِيمَ أَنتَ مِن ذِكۡرَىٰهَآ

43. Maxaa ku ogeysiiyey waqtigeeda? Waxaad tahay mid ka mid ah calaamadaha soo dhowaanshaheeda. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 79

إِلَىٰ رَبِّكَ مُنتَهَىٰهَآ

44. Waa xagga Rabbigaa halkay ku dhammaan (ogaanshaheeda). info
التفاسير:

external-link copy
45 : 79

إِنَّمَآ أَنتَ مُنذِرُ مَن يَخۡشَىٰهَا

45. Waxaad uun tahay (Nabiyow) u dige kuwa ka baqa. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 79

كَأَنَّهُمۡ يَوۡمَ يَرَوۡنَهَا لَمۡ يَلۡبَثُوٓاْ إِلَّا عَشِيَّةً أَوۡ ضُحَىٰهَا

46. Maalinta ay arkayaan waxay ahaan sida inaysan ku negaadin (adduunka) waxaan ahayn galab ama barqadeed. info
التفاسير: