ترجمة معاني القرآن الكريم - الترجمة الصومالية - عبدالله حسن يعقوب

سورة النازعات - An-naazicaat

external-link copy
1 : 79

وَٱلنَّٰزِعَٰتِ غَرۡقٗا

1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay (malaa’igta) sida daran u soo siibta nafaha (gaalada). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 79

وَٱلنَّٰشِطَٰتِ نَشۡطٗا

2. Iyo (malaa'igta) sida fudud u qaadda (nafaha mu’miniinta waqtiga dhimashada). info
التفاسير:

external-link copy
3 : 79

وَٱلسَّٰبِحَٰتِ سَبۡحٗا

3. Iyo (malaa'igta) hawada dabaalata (iyagoo u socda fulin amarrada Alle). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 79

فَٱلسَّٰبِقَٰتِ سَبۡقٗا

4. Iyo (malaa'igta) u dheereeya 'khayrka iyo wanaagga' dheereyn. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 79

فَٱلۡمُدَبِّرَٰتِ أَمۡرٗا

5. Iyo (malaa'igta) isku duwa arrin (walba) (si waafaqsan amarka Alle, in dadow la idin soo bixin oo xisaabin Aakhirada). info
التفاسير:

external-link copy
6 : 79

يَوۡمَ تَرۡجُفُ ٱلرَّاجِفَةُ

6. Maalinta ay gilgilatadu gilgilan (waa afuufka hore ee Buunka). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 79

تَتۡبَعُهَا ٱلرَّادِفَةُ

7. Oo ay raaci tan xigta (afuufka labaad). info
التفاسير:

external-link copy
8 : 79

قُلُوبٞ يَوۡمَئِذٖ وَاجِفَةٌ

8. Quluub (qalbiyada gaalada) Maalintaas way gariiri. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 79

أَبۡصَٰرُهَا خَٰشِعَةٞ

9. Indhahoodu dulleysnaan. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 79

يَقُولُونَ أَءِنَّا لَمَرۡدُودُونَ فِي ٱلۡحَافِرَةِ

10. Waxay (haatan) leeyihiin: Ma waxaa naloo soo celin (dhimashadayada kaddib) sidayadii hore (ee nolosha adduunka)? info
التفاسير:

external-link copy
11 : 79

أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا نَّخِرَةٗ

11. Ma markaan noqonno lafo bololay? info
التفاسير:

external-link copy
12 : 79

قَالُواْ تِلۡكَ إِذٗا كَرَّةٌ خَاسِرَةٞ

12. Waxay odhan: Taasi waa noqosho khasaaro ah. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 79

فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ

13. Waase hal Qeylo keliya. info
التفاسير:

external-link copy
14 : 79

فَإِذَا هُم بِٱلسَّاهِرَةِ

14. Mise, waxay ahaan (kuwo nool) dhulka guudki (dhimashadoodii kaddib). info
التفاسير:

external-link copy
15 : 79

هَلۡ أَتَىٰكَ حَدِيثُ مُوسَىٰٓ

15. Ma ku soo gaaray warkii Muuse? info
التفاسير:

external-link copy
16 : 79

إِذۡ نَادَىٰهُ رَبُّهُۥ بِٱلۡوَادِ ٱلۡمُقَدَّسِ طُوًى

16. Markuu Rabbigi (Alle) uga dhawaaqay togga barakeysan ee Duwa. info
التفاسير: