30. Haddaad arki lahaydna marka la hor joojiyo Rabbigood. Wuxuu odhan: Soo ma aha kani (Naarta) Xaq? Waxay odhan: Haah,Rabbiyow.Wuxuu odhan: Haddabs dhadhamiya cadaabka gaalnimadiinnii darteed.
31. Waxaa dhab u khasaaray kuwa beeniya la kulanka Alle (ee Aakhiro), jeer markay Saacadda (Qiyaame) ugu timaado si kedis ah, waxay odhan: Alla innaguye waxaan ka gaabinnay oo ku gabood fallay darteed, waxayna ku xambaari culeysyadooda (denbiyadooda) dhabarradooda, xumaa waxay xambaari (oo denbiyo ah).
32. Ma aha noloshan adduunka waxaan aheyn cayaar iyo madaddaalo. Daarta Aakhiro baana u khayr badan kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha), ee miyaydaan garowsaneyn?
34. Waxaa dhab ahaan la beeniyey Rusul kaa horreeyey, wayse ku samreen beenintii iyo dhibkii loo geysanayey ilaa uu u yimid Gargaarkayaga, mana jiraan wax beddeli kara kelmedaha Alle. Waxaana ku soo gaaray warkii Rususha.
35. Hadday kugu weynaatayna (cuslaatay) ka jeedsigoodu (xaggaaga Nabiyow iyo Xaqa lagula soo diray oo aadan u samri karin), haddaba haddaad karto inaad god ka yeelato arlada gudaheeda, ama sallaan (aad ku fuusho) samada si aad ugu keento calaamo (samee). Hadduu Alle doonana wuxuu ku soo kulmin lahaa iyagoo dhan hanuunka, ee ha ka mid noqon jaahiliinta.