20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.
22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).
25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.
27. Haddaad arki lahaydna iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.