267. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Wax ka bixiya waxyaalaha wanaagsan aad kasbataan iyo waxaanu idiinka soo saarnay arlada, oo ha u kas bixinnina kiisa xun80, oo idinkuba aydaan ku qaadateen indho damuuqsi maahee. Ogaadana inuu Alle yahay Deeqtoone, Ammaanan.
80. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii sadaqeysta maal xaaraan ah lagama aqbalo, hadduu ka tagana maal xaaraan ah wuxuu ku noqon dab naareed”.