121. Kuwa aanu siinnay Kitaabka (Qur’aanka) baa u akhriya siday tahay in loo akhriyo24, kuwaa baana rumeysan. Qofkiise rumeyn diida (Qur’aanka) kuwaa weeye kuwa khasaari.
24. Kuwa u akhriya Qur’aanka si xaq ah waa kuwa ku dhaqma waxa uu Qur’aanku amro, oo ka jooga waxa uu ka reebay oo u akhriya sida uu Alle u soo dejiyey.
125. (Xus) markaan ka dhignay Beytka (Kacbada) rug ay dadku ugu soo qasdaan (Xaj iyo Cumro) iyo meel aamin ah. Kana yeesha meel lagu tukado maqaamkii Ibraahiim. Waxaanu u xil saarnay Ibraahiim iyo Ismaaciil Annagoo leh: U daahiriya Beytkayga kuwa soo siyaarta, iyo kuwa ku ictikaafa, iyo kuwa rukuuca (oo) sujuuda.