46. (Alle) wuxuu yidhi: Nuuxow! Wiilku ka mid ma aha ehelkaaga ; waa camal xun yahay, ee ha i weydiisan waxaad u lahayn cilmi. Waxaan kaa waanin inaad ka mid noqoto jaahiliinta.
47. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! waxaan kaa magan galayaa inaan ku weydiisto wax aanan u lahayn cilmi. Haddaadan ii denbi dhaafin oo ii naxariisan, waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
49. Kuwani waa warar la xidhiidha waxa dahsoonaa ee aan kuu waxyoonno (Nabiyow), ma aad ogeyn adiga iyo qoonkaaguba kani (Qur’aanka) ka hor. Ee samir. Hubaal, cidhibta (wanaagsan) waxaa iska leh kuwa dhowrsoon.
50. (Qoladii) Caad (waxaan u dirnay) walaalkood Huud. Wuxuu yidhi: Tolkayow! Caabuda Alle oo Keliya! Ma lihidin Ilaah kale (xaq ah) aan Isaga aheyn, idinku ma ahidin waxna aan aheyn been abuurtayaal.