13. Mise waxay leeyihiin: Waa uu been abuurtay (Qur’aanka). Dheh: Keena toban suuradood la been abuurtay oo la mid ah, oo u yeedha (inay idinku caawiyaan) ciddaad kartaan Alle ka sokow, haddaad run sheegaysaan.
14. Haddiise aysan idin ajiibin, ogaada in lagu soo dejiyey (Qur’aanka) Cilmiga Alle7 iyo inuusan jirin ilaah (Xaq lagu caabudo) Isaga (Allaah) maahee. Ee ma (u) hoggaansameysaan muslimiin ahaan?.
18. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle. Kuwaa waxaa la hor keeni Rabbigood, markhaatiyaduna9 waxay odhan: Kuwan waa kuwii ka been sheegay Rabbigood. Ee Lacnadda Alle dushooda ha ahaato daalimiinta.
9. Waxaa loola jeedaa markhaatiyada: Malaa’igta ama Anbiyada, ama dadka dubabkooda, aragyadooda iyo maqalladooda,.