የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ

external-link copy
95 : 5

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَقۡتُلُواْ ٱلصَّيۡدَ وَأَنتُمۡ حُرُمٞۚ وَمَن قَتَلَهُۥ مِنكُم مُّتَعَمِّدٗا فَجَزَآءٞ مِّثۡلُ مَا قَتَلَ مِنَ ٱلنَّعَمِ يَحۡكُمُ بِهِۦ ذَوَا عَدۡلٖ مِّنكُمۡ هَدۡيَۢا بَٰلِغَ ٱلۡكَعۡبَةِ أَوۡ كَفَّٰرَةٞ طَعَامُ مَسَٰكِينَ أَوۡ عَدۡلُ ذَٰلِكَ صِيَامٗا لِّيَذُوقَ وَبَالَ أَمۡرِهِۦۗ عَفَا ٱللَّهُ عَمَّا سَلَفَۚ وَمَنۡ عَادَ فَيَنتَقِمُ ٱللَّهُ مِنۡهُۚ وَٱللَّهُ عَزِيزٞ ذُو ٱنتِقَامٍ

95. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha dilina ugaadha15 idinkoo xidhan (Xaj ama Cumro), qofkii idinka mid ah oo u dila ula kac (ugaadh isagoo xidhan Xaj ama Cumro), ganaaxiisu waa xoolo nicmooley ah oo u dhigma wuxuu dilay oo sida ay u xukumaan ah labo nin oo caddaalad leh oo idinka mid ahi hadyi la keenayo Kacbada, ama kafaara gud quudin dad masaakiin ah ama dhigankeed oo soon ah, si uu u dhadhamiyo culeyska (natiijada) falkiisa, Alle wuu idinka cafiyey wixii tegay, qofkiise u noqda (denbigaa) mar kale, Alle wuu ka aar gudan. Alle waa Adkaade, Aar goosi leh. info

15. Ugaadha waa isku wada mid kuwa ay bannaan yihiin cunistooda iyo kuwa aanay bannaanayn, marka laga reebo tukaha, dib qallooca, jiirka, iyo eyga falya goyska ah, werinna waxay leedahay waa sidoo kale maska waa la dili karaa iyaga goor kasta.

التفاسير: