12.Waxaa loola jeedaa haddaadan haysan waxaad siiso markaa, ama aydaan fulin karin Amarka Alle ee ku soo arooray Aayadda 26, haddaba ku dhaha hadal wanaagsan aan murugo gelineyn inaad u fidin kaalmo darteed, idinkoo ka dalbaya risiq xagga Rabbigiin si aad u siisaan xuquuqdooda qaraabada iyo qeyrkood.
13. Iska jira dhammaan arrimaha kuu horseedi kara inaad fasho wax xun oo qudhun ah sida zino, gogol dhaaf, khiyaano, iwm.
14. Suldaan halkan waxaa loola jeedaa warasada qofka la dilay, ama xaakimka si ay u dalbaan qisaas, ama u aqbalaan diyo. Eeg Suuradda Al-Baqara Aayadda 178, iyo Suuradda An-Nisaa Aayadda: 92.
15. Waa inaan lagu dilin qofna waxaan ahayn arrin sharci ah ama waqtiga jihaadka qof ah cadow aad dagaal ku wada jirtaan.