Қуръони Карим маъноларининг таржимаси - Сомалийча таржима - Абдуллоҳ Ҳасан Яъқуб

Cabasa

external-link copy
1 : 80

عَبَسَ وَتَوَلَّىٰٓ

1. (Wejiguu) kuduuday oo jeesaday (Nebiga s.c.w), info
التفاسير:

external-link copy
2 : 80

أَن جَآءَهُ ٱلۡأَعۡمَىٰ

2. Inuu u yimid indhoolihii1 darteed, info

1. Waa Cabdullaah ibn Um Maktuum a.k.r.

التفاسير:

external-link copy
3 : 80

وَمَا يُدۡرِيكَ لَعَلَّهُۥ يَزَّكَّىٰٓ

3. Miyaad ogtahay (Nabiyow) waa intaasoo uu hanuuno oo daahir noqdo, info
التفاسير:

external-link copy
4 : 80

أَوۡ يَذَّكَّرُ فَتَنفَعَهُ ٱلذِّكۡرَىٰٓ

4. Ama waansamo, oo waanadu anfacdo. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 80

أَمَّا مَنِ ٱسۡتَغۡنَىٰ

5. Kan is deeqtoonsiiya (ee isla weyn), info
التفاسير:

external-link copy
6 : 80

فَأَنتَ لَهُۥ تَصَدَّىٰ

6. Miyaad adigu u bambixi, info
التفاسير:

external-link copy
7 : 80

وَمَا عَلَيۡكَ أَلَّا يَزَّكَّىٰ

7. Eedna kaama saarna hadduusan hanuunin oo daahirin naftiisa, info
التفاسير:

external-link copy
8 : 80

وَأَمَّا مَن جَآءَكَ يَسۡعَىٰ

8. Kan se kuu yimid isagoo dadaalaya, info
التفاسير:

external-link copy
9 : 80

وَهُوَ يَخۡشَىٰ

9. Oo (Alle ka) baqa, info
التفاسير:

external-link copy
10 : 80

فَأَنتَ عَنۡهُ تَلَهَّىٰ

10. Miyaad adigu ka mashquuli. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 80

كَلَّآ إِنَّهَا تَذۡكِرَةٞ

11. Mayee, Aayadahani waa waano. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 80

فَمَن شَآءَ ذَكَرَهُۥ

12. Ee qofkii doona ha ku waano qaato. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 80

فِي صُحُفٖ مُّكَرَّمَةٖ

13. Waxay ku sugan tahay (waanadan) kutub la sharfay (Looxa Maxfuudka). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 80

مَّرۡفُوعَةٖ مُّطَهَّرَةِۭ

14. Kor ah, la dahiray. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 80

بِأَيۡدِي سَفَرَةٖ

15. Ku jira gacmaha qorayaal (malaa’ig). info
التفاسير:

external-link copy
16 : 80

كِرَامِۭ بَرَرَةٖ

16. Sharaf leh oo baariyaal ah. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 80

قُتِلَ ٱلۡإِنسَٰنُ مَآ أَكۡفَرَهُۥ

17. Belo ha ku dhacdo aadmigee (waa kan gaalka ahi)! Muxuu jazaar yahay! info
التفاسير:

external-link copy
18 : 80

مِنۡ أَيِّ شَيۡءٍ خَلَقَهُۥ

18. Muxuu Alle ka abuuray? info
التفاسير:

external-link copy
19 : 80

مِن نُّطۡفَةٍ خَلَقَهُۥ فَقَدَّرَهُۥ

19. Mani yar buu ka abuuray wuuna ekeeyey. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 80

ثُمَّ ٱلسَّبِيلَ يَسَّرَهُۥ

20. Markaas uga dhigay sahal dhabbaha (waa ka soo bixitaanka uurka hooyadi ama dhabbaha nolosha Ama jidka hanuunka); info
التفاسير:

external-link copy
21 : 80

ثُمَّ أَمَاتَهُۥ فَأَقۡبَرَهُۥ

21. Markaasuu sababaa inuu dhinto, oo qabri lagu aaso; info
التفاسير:

external-link copy
22 : 80

ثُمَّ إِذَا شَآءَ أَنشَرَهُۥ

22. Markuu doonana wuu soo bixin. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 80

كَلَّا لَمَّا يَقۡضِ مَآ أَمَرَهُۥ

23. Mayee, ma uusan yeelin wuxuu amray. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 80

فَلۡيَنظُرِ ٱلۡإِنسَٰنُ إِلَىٰ طَعَامِهِۦٓ

24. Ee qofku bal ha eego cunnadiisa. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 80

أَنَّا صَبَبۡنَا ٱلۡمَآءَ صَبّٗا

25. Annagaa soo shubna biyaha (roobka) soo shubid badan, info
التفاسير:

external-link copy
26 : 80

ثُمَّ شَقَقۡنَا ٱلۡأَرۡضَ شَقّٗا

26. Markaas Waxaan jeexnaa arlada jeexdin. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 80

فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا حَبّٗا

27. Oo ka soo bixinnaa hadhuudh, info
التفاسير:

external-link copy
28 : 80

وَعِنَبٗا وَقَضۡبٗا

28. Iyo cinab iyo naq. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 80

وَزَيۡتُونٗا وَنَخۡلٗا

29. Iyo zaytuun iyo geedo timireed. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 80

وَحَدَآئِقَ غُلۡبٗا

30. Iyo beero tanaad ah. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 80

وَفَٰكِهَةٗ وَأَبّٗا

31. Iyo midho iyo caws. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 80

مَّتَٰعٗا لَّكُمۡ وَلِأَنۡعَٰمِكُمۡ

32. Sahay aad leedihiin idinka iyo xoolihiinnuba. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 80

فَإِذَا جَآءَتِ ٱلصَّآخَّةُ

33. Markase ay qeylada dhego beelisada ah timaaddo (afuufka labaad ee Buunka). info
التفاسير:

external-link copy
34 : 80

يَوۡمَ يَفِرُّ ٱلۡمَرۡءُ مِنۡ أَخِيهِ

34. Maalinta uu qofku ka carari walaalki, info
التفاسير:

external-link copy
35 : 80

وَأُمِّهِۦ وَأَبِيهِ

35. Iyo hooyadi iyo aabbihi. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 80

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَبَنِيهِ

36. Iyo xaaskiisa iyo ilmahiisa, info
التفاسير:

external-link copy
37 : 80

لِكُلِّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ يَوۡمَئِذٖ شَأۡنٞ يُغۡنِيهِ

37. Qof walba oo ka mid ah Maalinkaas waxaa heysan arrin ku filan. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 80

وُجُوهٞ يَوۡمَئِذٖ مُّسۡفِرَةٞ

38. Wejiyo (qaar) Maalinkaas way ifi. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 80

ضَاحِكَةٞ مُّسۡتَبۡشِرَةٞ

39. Iyagoo qosli ku faraxsan (Jannada) loogu bishaareyey. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 80

وَوُجُوهٞ يَوۡمَئِذٍ عَلَيۡهَا غَبَرَةٞ

40. Wejiyona Maalinkaas (Qiyaame) waxay ahaan kuwo booreysan dulli ka muuqdo; info
التفاسير:

external-link copy
41 : 80

تَرۡهَقُهَا قَتَرَةٌ

41. Mugdi baa dabooli (iyo naxdin). info
التفاسير:

external-link copy
42 : 80

أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡكَفَرَةُ ٱلۡفَجَرَةُ

42. Kuwaasi waa kuwa ah gaalada, denbiilayaasha. info
التفاسير: