Қуръони Карим маъноларининг таржимаси - Сомалийча таржима - Абдуллоҳ Ҳасан Яъқуб

Al-ancaam

external-link copy
1 : 6

ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَجَعَلَ ٱلظُّلُمَٰتِ وَٱلنُّورَۖ ثُمَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ يَعۡدِلُونَ

1. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, ee abuuray samooyinka iyo arlada, oo yeelay mugdiyada iyo nuurka, sidaa oy tahay kuwa gaalada ah waxay u yeelaan shariigyo ay la mid dhigaan Rabbigood (Allaah). info
التفاسير:

external-link copy
2 : 6

هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن طِينٖ ثُمَّ قَضَىٰٓ أَجَلٗاۖ وَأَجَلٞ مُّسَمًّى عِندَهُۥۖ ثُمَّ أَنتُمۡ تَمۡتَرُونَ

2. (Alle) waa Kan idinka abuuray dhoobo, markaas (idiin) qaddaray muddo (aad ku dhimataan), waxaana jira muddo (kale oo) magaacaban (Saacadda Qiyaame) uu Isagu (Alle keliya) Og yahay, idinkuse (gaaloy) waad ka shakisan tihiin oo ka dooddaan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 6

وَهُوَ ٱللَّهُ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَفِي ٱلۡأَرۡضِ يَعۡلَمُ سِرَّكُمۡ وَجَهۡرَكُمۡ وَيَعۡلَمُ مَا تَكۡسِبُونَ

3. (Alle) waa Isaga Ilaaha (Keliyee Xaqa ah ee lagu caabudo) samooyinka gudahooda iyo arlada, wuxuu Ogsoon yahay sirtiinna iyo caadkiinnaba, wuxuuna Ogsoon yahay waxaad kasbataan (oo camallo ah khayr ama shar). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 6

وَمَا تَأۡتِيهِم مِّنۡ ءَايَةٖ مِّنۡ ءَايَٰتِ رَبِّهِمۡ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهَا مُعۡرِضِينَ

4. Umana timaaddo Aayad (Calaamad, mucjiso, xujo, daliil, iwm) ka mid ah Aayadaha Rabbigood, waase ka jeesadaan. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 6

فَقَدۡ كَذَّبُواْ بِٱلۡحَقِّ لَمَّا جَآءَهُمۡ فَسَوۡفَ يَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

5. Waxay beeniyeen Xaqa markuu u yimid, waxaase u iman doona xaqiiqda arrinkay ku jees jeesayeen. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 6

أَلَمۡ يَرَوۡاْ كَمۡ أَهۡلَكۡنَا مِن قَبۡلِهِم مِّن قَرۡنٖ مَّكَّنَّٰهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ مَا لَمۡ نُمَكِّن لَّكُمۡ وَأَرۡسَلۡنَا ٱلسَّمَآءَ عَلَيۡهِم مِّدۡرَارٗا وَجَعَلۡنَا ٱلۡأَنۡهَٰرَ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهِمۡ فَأَهۡلَكۡنَٰهُم بِذُنُوبِهِمۡ وَأَنشَأۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِمۡ قَرۡنًا ءَاخَرِينَ

6. Miyeyna ogaan intaan hallignay hortood (wax badan) oo facyo ah, kuwaasoo aan ku awood siinnay dhulka si aanaan idiinku awood siin? Waxaan uga soo dirnay daruuraha (roob) mahiigaan ah, waxaana ka yeelnay webiyada kuwo socda hoostooda, waanse hallignay denbiyadoodii dartood, waxaana ahaysiinnay iyaga kaddib fac kale. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 6

وَلَوۡ نَزَّلۡنَا عَلَيۡكَ كِتَٰبٗا فِي قِرۡطَاسٖ فَلَمَسُوهُ بِأَيۡدِيهِمۡ لَقَالَ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

7. Haddaan kugu soo dejinno (Nabiyow) qoraal ku yaal waraaq, markaas ay ku taabtaan gacmahooda, waxay gaalada odhan lahaayeen: Kanu ma aha waxaan aheyn sixir cad. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 6

وَقَالُواْ لَوۡلَآ أُنزِلَ عَلَيۡهِ مَلَكٞۖ وَلَوۡ أَنزَلۡنَا مَلَكٗا لَّقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ثُمَّ لَا يُنظَرُونَ

8. Waxay yidhaahdeen: Maxaa malag loola soo diri waayey? Haddaan soo dejinno malag, arrinka mid la gooyo buu ahaan lahaa, markaasna lama siiyeen fursad (ay ku toobad keenaan). info
التفاسير: