7. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Allahayow ma koobi karno nicmooyinka aad noo gashay iyo ammaantaada ee waa sida aad Adigu isu ammaantay.”
8. Muqtasid waxaa loola jeeedaa qofka aan ugu shukriyin Alle si dhan oo kaamil ah.
9. Wuxuu Ogsoon yahay waxa kasta oo ku saabsan ilmahaa yar hadday tahay markaasi iyo aayaha dambe waxa uu noqon.
10. Dadku ma hubaan waxay fali doonaan berritoole ama ay kasban doonaan, iyadoo sidaas tahay waa inay dadaalaan oo doontaan waxa anfacaya if iyo Aakhiro.
11. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Shan Alle Keliya uun baa ogsoon: waqtiga Saacadda Qiyaame, Roobka kolkuu iman, waxa uurka ku jira, nafi waxay mudan waqtiga soo socda iyo nafi meel ay ku dhiman.”