قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب

صفحہ نمبر:close

external-link copy
20 : 47

وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَوۡلَا نُزِّلَتۡ سُورَةٞۖ فَإِذَآ أُنزِلَتۡ سُورَةٞ مُّحۡكَمَةٞ وَذُكِرَ فِيهَا ٱلۡقِتَالُ رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يَنظُرُونَ إِلَيۡكَ نَظَرَ ٱلۡمَغۡشِيِّ عَلَيۡهِ مِنَ ٱلۡمَوۡتِۖ فَأَوۡلَىٰ لَهُمۡ

20. Kuwa (Xaqa) rumeeyey waxay yidhaahdeen: Maxaa Suurad loo soo dejin waayey (na amreysa ku jihaadka gaalada)? Markase la soo dejiyo Suurad cad yahay amarkeedu oo dagaal gal lagu xuso10, waxaad arkaysaa kuwa uu qalbigoodu ku jiro cudur (nifaaq) oo kugu soo fiirin fiiro ruux sakaraatul mowd hayo oo kale. Waxaase la gudboon oo u khayr roonaan lahaa. info

10. Suuraddaasoo loogu idmay mu’miniinta inay la dagaal galaan cadowyadooda.

التفاسير:

external-link copy
21 : 47

طَاعَةٞ وَقَوۡلٞ مَّعۡرُوفٞۚ فَإِذَا عَزَمَ ٱلۡأَمۡرُ فَلَوۡ صَدَقُواْ ٱللَّهَ لَكَانَ خَيۡرٗا لَّهُمۡ

21. Daacadnimo iyo horaarsan. Markase arrinka la go’aamiyo hadday Alle u run sheegaan baa u khayr badnaan lahayd. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 47

فَهَلۡ عَسَيۡتُمۡ إِن تَوَلَّيۡتُمۡ أَن تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَتُقَطِّعُوٓاْ أَرۡحَامَكُمۡ

22. Ma laga yaabaa haddaad (Xaqa) ka jeesataan11, inaad fasahaadisaan arlada, oo goysaan qaraabadiinna? info

11. Macno kale Ka jeesataan Islaamka ama jihaadka Jidka Alle. Sidoo kale waxa lagu fasiraa haddaad xil iyo jago qabataan.

التفاسير:

external-link copy
23 : 47

أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ لَعَنَهُمُ ٱللَّهُ فَأَصَمَّهُمۡ وَأَعۡمَىٰٓ أَبۡصَٰرَهُمۡ

23. Kuwaasi weeye kuwa uu Alle nacladay, markaasuu ka dhego iyo indho tiray (Xaqa). info
التفاسير:

external-link copy
24 : 47

أَفَلَا يَتَدَبَّرُونَ ٱلۡقُرۡءَانَ أَمۡ عَلَىٰ قُلُوبٍ أَقۡفَالُهَآ

24. Miyeyna u dhug yeelan Qur’aanka mise qufulaa ku xidhan quluubtooda. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 47

إِنَّ ٱلَّذِينَ ٱرۡتَدُّواْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِم مِّنۢ بَعۡدِ مَا تَبَيَّنَ لَهُمُ ٱلۡهُدَى ٱلشَّيۡطَٰنُ سَوَّلَ لَهُمۡ وَأَمۡلَىٰ لَهُمۡ

25. Kuwa riddoobay (gaalnimo ku noqday) kaddib marka hanuunka u caddaaday, shaydaan baa u qurxiyey oo rajo (been ah) geliyay. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 47

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ قَالُواْ لِلَّذِينَ كَرِهُواْ مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ سَنُطِيعُكُمۡ فِي بَعۡضِ ٱلۡأَمۡرِۖ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ إِسۡرَارَهُمۡ

26. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay ku yidhaahdeen kuwa nacay12 waxa Alle soo dejiyey oo Waxyi ah: Waxaynu idinku adeeci arrinka qaarkiis (colnimada Nabiga); Allena wuu Og yahay sirahooda. info

12. Waxaa loola jeedaa Yuhuudddii Madiina degganayd waagaas.

التفاسير:

external-link copy
27 : 47

فَكَيۡفَ إِذَا تَوَفَّتۡهُمُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ يَضۡرِبُونَ وُجُوهَهُمۡ وَأَدۡبَٰرَهُمۡ

27. Sidee bayse ahaan, markay malaa’igtu qaadayso nafahooda iyagoo garaacaya wejiyadooda iyo dhabarradooda. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 47

ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمُ ٱتَّبَعُواْ مَآ أَسۡخَطَ ٱللَّهَ وَكَرِهُواْ رِضۡوَٰنَهُۥ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ

28. Sidaasi waxaa ugu wacan waxay raaceen waxa Alle ka cadheysiiya, naceenna waxa raalli geliya. Markaasuu buriyey acmaashooda. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 47

أَمۡ حَسِبَ ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَن لَّن يُخۡرِجَ ٱللَّهُ أَضۡغَٰنَهُمۡ

29. Mise waxay moodaan kuwa uu ku jiro quluubtoodu cudur (munaafiqnimo ah) inuusan Allaah soo saareyn xumaanta laabaha kaga jira?. info
التفاسير: