قرآن کریم کے معانی کا ترجمہ - صومالی ترجمہ - عبد اللہ حسن یعقوب

صفحہ نمبر:close

external-link copy
53 : 29

وَيَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَلَوۡلَآ أَجَلٞ مُّسَمّٗى لَّجَآءَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ وَلَيَأۡتِيَنَّهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ

53. Waxayna ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, haddii aanay lahaan lahayn muddo go'an, wuu u iman lahaa cadaabka. Wuxuuna ugu iman kedis iyagoo aan dareemayn. info
التفاسير:

external-link copy
54 : 29

يَسۡتَعۡجِلُونَكَ بِٱلۡعَذَابِ وَإِنَّ جَهَنَّمَ لَمُحِيطَةُۢ بِٱلۡكَٰفِرِينَ

54. Waxay ku warsadaan inaad u soo dedejiso cadaabka, oo hubaal Naarta waxay ku hareersan tahay gaalada. info
التفاسير:

external-link copy
55 : 29

يَوۡمَ يَغۡشَىٰهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِن فَوۡقِهِمۡ وَمِن تَحۡتِ أَرۡجُلِهِمۡ وَيَقُولُ ذُوقُواْ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

55. Maalinta marka cadaabka ka dabooli (gaalada) dushooda iyo lugahooda hoostoodaba, wuxuuna Alle ku odhan: Dhadhamiya waxaad camal xun fali jirteen. info
التفاسير:

external-link copy
56 : 29

يَٰعِبَادِيَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّ أَرۡضِي وَٰسِعَةٞ فَإِيَّٰيَ فَٱعۡبُدُونِ

56. Addoomahayga (Xaqa) rumeeyow! dhulkaygu wuu ballaaran yahaye, ee Anigoo (Keliya) i caabuda. info
التفاسير:

external-link copy
57 : 29

كُلُّ نَفۡسٖ ذَآئِقَةُ ٱلۡمَوۡتِۖ ثُمَّ إِلَيۡنَا تُرۡجَعُونَ

57. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri. Xaggayagaana la idiin soo celin. info
التفاسير:

external-link copy
58 : 29

وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَنُبَوِّئَنَّهُم مِّنَ ٱلۡجَنَّةِ غُرَفٗا تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ نِعۡمَ أَجۡرُ ٱلۡعَٰمِلِينَ

58. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala waxaanu ka siin hoy rugaha sare ee Jannada dhexdeeda, ay webiyadu hoostoodu qul-qulaan iyagoo ku waaraya weligood, Wanaagsanaa abaalka kuwa camal fiican fasha. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 29

ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

59. Ee ah kuwa samra oo Rabbigood ku kalsoon oo tala saarta. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 29

وَكَأَيِّن مِّن دَآبَّةٖ لَّا تَحۡمِلُ رِزۡقَهَا ٱللَّهُ يَرۡزُقُهَا وَإِيَّاكُمۡۚ وَهُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ

60. Badanaa noole dhul socod ah oo aan xambaarsaneyn risiqeeda, Alle baa arsaaqa iyo idinkaba. Allena Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoonaha ah. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 29

وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّنۡ خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَ لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۖ فَأَنَّىٰ يُؤۡفَكُونَ

61. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa abuuray samooyinka iyo arlada oo sakhiray qorraxda iyo dayaxa? Waxay odhan: Allaah. Ee xaggee baa loo iilay? info
التفاسير:

external-link copy
62 : 29

ٱللَّهُ يَبۡسُطُ ٱلرِّزۡقَ لِمَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ وَيَقۡدِرُ لَهُۥٓۚ إِنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

62. Alle wuxuu u waasiciyaa risiqa kuu doono ee ka mid ah addoomahiisa, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal Alle wax walba wuu Ogsoon yahay. info
التفاسير:

external-link copy
63 : 29

وَلَئِن سَأَلۡتَهُم مَّن نَّزَّلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ مِنۢ بَعۡدِ مَوۡتِهَا لَيَقُولُنَّ ٱللَّهُۚ قُلِ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ

63. Haddaad (gaalada) weydiiso: Yaa ka soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku nooleeya arlada dhimashadeeda kaddib? Waxay odhan: Allaah. Dheh: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa iska leh Allaah. Badankooduse wax ma gartaan. info
التفاسير: