قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

Al-bayinah

external-link copy
1 : 98

لَمۡ يَكُنِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ مُنفَكِّينَ حَتَّىٰ تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ

1. Kuwa gaaloobay oo ka mid ah ehlu Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) iyo mushrikiinta ma ahayn kuwa ka tagaya (gaalnimadooda) intay uga timaado xujada cad. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 98

رَسُولٞ مِّنَ ٱللَّهِ يَتۡلُواْ صُحُفٗا مُّطَهَّرَةٗ

2. Rasuul (Muxammad) ka socda xagga Alle oo akhriyaya waraaqo daahir ah. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 98

فِيهَا كُتُبٞ قَيِّمَةٞ

3. Ay ku yaallaan xukunno wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 98

وَمَا تَفَرَّقَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا مِنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡهُمُ ٱلۡبَيِّنَةُ

4. Kuwaa la siiyey Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) isma ay khilaafin oo kala tegin kaddib markii mooyaane ay Xujada cad u timid (waa Nabi Muxammad s.c.w iyo Qur'aanka). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 98

وَمَآ أُمِرُوٓاْ إِلَّا لِيَعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ حُنَفَآءَ وَيُقِيمُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَيُؤۡتُواْ ٱلزَّكَوٰةَۚ وَذَٰلِكَ دِينُ ٱلۡقَيِّمَةِ

5. Oo lama amrin waxaan aheyn inay caabudaan Alle keliya iyagoo u gooni yeelaya cibaadada oo toosan, iyo inay oogaan salaadda oo bixyaan Zakada, sidaas baana ah diinta toosan. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 98

إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡمُشۡرِكِينَ فِي نَارِ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَآۚ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ شَرُّ ٱلۡبَرِيَّةِ

6. Kuwa gaalooba oo ka mid ah ehlu-Kitaabka iyo mushrikiinta waxay dhex ahaan Naarta Jahannama iyagoo ku waaraya gudaheeda. Kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 98

إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ أُوْلَٰٓئِكَ هُمۡ خَيۡرُ ٱلۡبَرِيَّةِ

7. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, kuwaasi waa kuwa ugu khayr badan uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 98

جَزَآؤُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتُ عَدۡنٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَآ أَبَدٗاۖ رَّضِيَ ٱللَّهُ عَنۡهُمۡ وَرَضُواْ عَنۡهُۚ ذَٰلِكَ لِمَنۡ خَشِيَ رَبَّهُۥ

8. Abaalkooda Rabbigood agtiis ah waa Beero negaadi ah (Jannooyin) oo ay hoostoodu webiyadu qul-qulaan, ay ku waari weligood, Alle Raalli buu ka yahay, iyaguna Raalli ku yihiin. Sidaas waxaa leh qofkii ka baqa Rabbigi oo ka dhowrsada xumaha. info
التفاسير: