قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

بەت نومۇرى:close

external-link copy
75 : 23

۞ وَلَوۡ رَحِمۡنَٰهُمۡ وَكَشَفۡنَا مَا بِهِم مِّن ضُرّٖ لَّلَجُّواْ فِي طُغۡيَٰنِهِمۡ يَعۡمَهُونَ

75. Haddaan u naxariisanno oo aan ka feydno waxa haya oo dhib ah, waxay weli ku sii adkeysan lahaayeen xad gudub- kooda iyagoo ku indha la’. info
التفاسير:

external-link copy
76 : 23

وَلَقَدۡ أَخَذۡنَٰهُم بِٱلۡعَذَابِ فَمَا ٱسۡتَكَانُواْ لِرَبِّهِمۡ وَمَا يَتَضَرَّعُونَ

76. Waxaanu ku qabannay cadaab, umase ayan hoggaansamin Rabbigood, umana baryin si khushuuc leh. info
التفاسير:

external-link copy
77 : 23

حَتَّىٰٓ إِذَا فَتَحۡنَا عَلَيۡهِم بَابٗا ذَا عَذَابٖ شَدِيدٍ إِذَا هُمۡ فِيهِ مُبۡلِسُونَ

77. Ilaa, markaan ku furno irrid cadaab daran ah, markaasay quustaan. info
التفاسير:

external-link copy
78 : 23

وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ

78. (Alle) waa Kan idiin unkay dhegaha, indhaha iyo laabaha; waa yar tahay inta aad mahdisaan (Alle). info
التفاسير:

external-link copy
79 : 23

وَهُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

79. Waana Isaga Kan idinku fidiyey dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin. info
التفاسير:

external-link copy
80 : 23

وَهُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُ وَلَهُ ٱخۡتِلَٰفُ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ

80. Waa Kan baxsha nolol, ee sababa dhimasho, ee leh (Agaasinka) isdhaafka habeenka iyo maalinta; ee miyeydaan wax fahmeyn. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 23

بَلۡ قَالُواْ مِثۡلَ مَا قَالَ ٱلۡأَوَّلُونَ

81. Waxayse yidhaahdeen wax la mid ah waxay dadkii hore yidhaahdeen. info
التفاسير:

external-link copy
82 : 23

قَالُوٓاْ أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ

82. Waxay yidhaahdeen: “Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa markaa nala soo bixin? info
التفاسير:

external-link copy
83 : 23

لَقَدۡ وُعِدۡنَا نَحۡنُ وَءَابَآؤُنَا هَٰذَا مِن قَبۡلُ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

83.Waa naloogu yaboohay waxakan, innaga iyo aabbayaashayadii horeba! Waxa kani ma aha waxaan ahayn warkii dadkii hore. info
التفاسير:

external-link copy
84 : 23

قُل لِّمَنِ ٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهَآ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

84. Dheh: “Yaa leh dhulka iyo waxa ku sugan, haddaad garaneysaan?!’’ info
التفاسير:

external-link copy
85 : 23

سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

85. Waxay (gaaladu) odhan: "Allaah!” Dheh: Miyaydaan haddaba waansameyn? info
التفاسير:

external-link copy
86 : 23

قُلۡ مَن رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ ٱلسَّبۡعِ وَرَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ

86. Dheh: “Waa kuma Rabbiga samooyinka toddobada ah iyo Rabbiga Carshiga Weyn14?. info

14. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Xaalka Alle waa ka weyn yahay sidaas, Carshigiisuna waa sidaas, wuxuu ku tilmaamay gacantiisa sida qubbad”.

التفاسير:

external-link copy
87 : 23

سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ أَفَلَا تَتَّقُونَ

87. Waxay odhan: “Allaah.” Dheh: Miyeydaan iska jireyn Cadaabkiisa?. info
التفاسير:

external-link copy
88 : 23

قُلۡ مَنۢ بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَهُوَ يُجِيرُ وَلَا يُجَارُ عَلَيۡهِ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

88. Dheh: “Yey Gacantiisa ku jiraan mulkiga iyo maamulka wax walba ee Isagu wax u gargaara, Isagana aan waxba laga gargaarsan karin, haddaad garanaysaan? info
التفاسير:

external-link copy
89 : 23

سَيَقُولُونَ لِلَّهِۚ قُلۡ فَأَنَّىٰ تُسۡحَرُونَ

89. Waxay odhan: "Allaah". Dheh: “ Xaggee baa haddaba la idiin sixray?” info
التفاسير: