قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

external-link copy
67 : 2

وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِقَوۡمِهِۦٓ إِنَّ ٱللَّهَ يَأۡمُرُكُمۡ أَن تَذۡبَحُواْ بَقَرَةٗۖ قَالُوٓاْ أَتَتَّخِذُنَا هُزُوٗاۖ قَالَ أَعُوذُ بِٱللَّهِ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡجَٰهِلِينَ

67. (Xus) markuu Muuse ku yidhi tolkiisii: Alle wuxuu idin amri inaad gowracdaan sac12. Waxay yidhaahdeen: Miyaad nagu jeesjeesi. Wuxuu yidhi: Waxaan ka magan galayaa Alle inaan ka mid noqdo jaahiliinta. info

12. Xikmadda gowricidda saca waa si looga gooyo qalbiyadooda xurmeynta dibigii ay horay u caabudeen. Markiina qayb ka mid ah saca la gowracay lagu dhuftay ninkii la dilay. Wuxuu Alle u soo celiyey nafta ninkii, kaasoo u sheegay ninkii dilay.

التفاسير: