52. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.
53. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee doodda badan”.w.w. Al-Bukhaari.
54. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan u ballan qaadayaa guri ooggagga jannada ah qofkii iska daaya doodaha iyo muranka gartaba ha lahaadee, iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii iska daaya beenta kaftanba ha ula jeedee, iyo guri halka jannada u sarreysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsan yahay. (W.w
Abuu Daawuud).