قۇرئان كەرىم مەنىلىرىنىڭ تەرجىمىسى - سۇمالىيچە تەرجىمىسى-ئابدۇللاھ ھەسەن ياقۇپ.

بەت نومۇرى:close

external-link copy
77 : 19

أَفَرَءَيۡتَ ٱلَّذِي كَفَرَ بِـَٔايَٰتِنَا وَقَالَ لَأُوتَيَنَّ مَالٗا وَوَلَدًا

77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur12.” info

12. Halka aan ka siin lahayn maal iyo carruur, Alle wuxuu ka qaadi doonaa waxaas uu ku heysto nolosha adduunka uu ku faano waqtiga dhimashadiisa.

التفاسير:

external-link copy
78 : 19

أَطَّلَعَ ٱلۡغَيۡبَ أَمِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan? info
التفاسير:

external-link copy
79 : 19

كَلَّاۚ سَنَكۡتُبُ مَا يَقُولُ وَنَمُدُّ لَهُۥ مِنَ ٱلۡعَذَابِ مَدّٗا

79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin; info
التفاسير:

external-link copy
80 : 19

وَنَرِثُهُۥ مَا يَقُولُ وَيَأۡتِينَا فَرۡدٗا

80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah. info
التفاسير:

external-link copy
81 : 19

وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لِّيَكُونُواْ لَهُمۡ عِزّٗا

81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso. info
التفاسير:

external-link copy
82 : 19

كَلَّاۚ سَيَكۡفُرُونَ بِعِبَادَتِهِمۡ وَيَكُونُونَ عَلَيۡهِمۡ ضِدًّا

82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
83 : 19

أَلَمۡ تَرَ أَنَّآ أَرۡسَلۡنَا ٱلشَّيَٰطِينَ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ تَؤُزُّهُمۡ أَزّٗا

83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah). info
التفاسير:

external-link copy
84 : 19

فَلَا تَعۡجَلۡ عَلَيۡهِمۡۖ إِنَّمَا نَعُدُّ لَهُمۡ عَدّٗا

84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro13 (maalmo go’an). info

13. Waxaan u tirinnaa neefahiisa uu neefsado, iyo maalmahiisa, ama camalladiisa xun.

التفاسير:

external-link copy
85 : 19

يَوۡمَ نَحۡشُرُ ٱلۡمُتَّقِينَ إِلَى ٱلرَّحۡمَٰنِ وَفۡدٗا

85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah. info
التفاسير:

external-link copy
86 : 19

وَنَسُوقُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ إِلَىٰ جَهَنَّمَ وِرۡدٗا

86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad. info
التفاسير:

external-link copy
87 : 19

لَّا يَمۡلِكُونَ ٱلشَّفَٰعَةَ إِلَّا مَنِ ٱتَّخَذَ عِندَ ٱلرَّحۡمَٰنِ عَهۡدٗا

87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan14. info

14. Inuusan caabudin cid kale aan ahayn Alle.

التفاسير:

external-link copy
88 : 19

وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱلرَّحۡمَٰنُ وَلَدٗا

88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo. info
التفاسير:

external-link copy
89 : 19

لَّقَدۡ جِئۡتُمۡ شَيۡـًٔا إِدّٗا

89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas. info
التفاسير:

external-link copy
90 : 19

تَكَادُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ يَتَفَطَّرۡنَ مِنۡهُ وَتَنشَقُّ ٱلۡأَرۡضُ وَتَخِرُّ ٱلۡجِبَالُ هَدًّا

90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur. info
التفاسير:

external-link copy
91 : 19

أَن دَعَوۡاْ لِلرَّحۡمَٰنِ وَلَدٗا

91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo). info
التفاسير:

external-link copy
92 : 19

وَمَا يَنۢبَغِي لِلرَّحۡمَٰنِ أَن يَتَّخِذَ وَلَدًا

92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo). info
التفاسير:

external-link copy
93 : 19

إِن كُلُّ مَن فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ إِلَّآ ءَاتِي ٱلرَّحۡمَٰنِ عَبۡدٗا

93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah. info
التفاسير:

external-link copy
94 : 19

لَّقَدۡ أَحۡصَىٰهُمۡ وَعَدَّهُمۡ عَدّٗا

94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan. info
التفاسير:

external-link copy
95 : 19

وَكُلُّهُمۡ ءَاتِيهِ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فَرۡدًا

95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah. info
التفاسير: