1. Ataa Luqad ahaan macnaheedu waxaa weeye waa yimid waxaana loola jeedaa muujin in la hubo oo yaqiin tahay oo ay aad u soo dhowdahay Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada iyo guusha ay heli doonaan Muslimiinta. Ataa Waa ficil maadi (fal tagey) laakiin loogala jeedo mudaaric fal markaa lagu gudo jiro ama soo socda oo imanaya. Sideedana waxaa jira sagaal meelood oo falka tagey loogala jeedo fal soo socda ama markaa ah, waxaa ka mid ah hadalkii lagu billaabo fal tagey, falka tagey ee soo aroora kaddib mid ka mid ah xuruurfta sharadka sida idaa jaa’a, in makkaannaahum, ama kaddib mowsuul sidaa alladiina aamanuu, iwm falalka tagey halkan waxaa loola jeedi karaa fal jooga ama soo socda.