Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup

Al-qisas

external-link copy
1 : 28

طسٓمٓ

1. Daa siin Miim1. info

1. Xarfahan waa xuruuf ka mid ah alifbeetada afka Carabiga uu Qur’aanku ku soo degay, sidaas oo ay tahay ma jiro axad keeni kara xitaa Suuradda ugu kooban ee Qur’aanka Mucjisada weyn ah).

التفاسير:

external-link copy
2 : 28

تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ

2. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee cad. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 28

نَتۡلُواْ عَلَيۡكَ مِن نَّبَإِ مُوسَىٰ وَفِرۡعَوۡنَ بِٱلۡحَقِّ لِقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

3. Waxaan kugu akhrin wax ka mid ah warkii Muuse iyo Fircoon oo xaq ah ciddii rumayn. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 28

إِنَّ فِرۡعَوۡنَ عَلَا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَجَعَلَ أَهۡلَهَا شِيَعٗا يَسۡتَضۡعِفُ طَآئِفَةٗ مِّنۡهُمۡ يُذَبِّحُ أَبۡنَآءَهُمۡ وَيَسۡتَحۡيِۦ نِسَآءَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

4. Hubaal, Fircoon waa isku sare yeelay dhulka (Masar), wuxuuna ka yeelay dadkeedii kooxo, isagoo dulleysan (dulmin) koox ka mid ah (ilmahii Israa’iil), gowracaya wiilashooda, una deynaya nolol haweenkooda (si ay ugu adeegtaan). hubaal, wuxuu ka mid ahaa kuwa wax fasaadiya (xumo wadayaasha). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 28

وَنُرِيدُ أَن نَّمُنَّ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱسۡتُضۡعِفُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَنَجۡعَلَهُمۡ أَئِمَّةٗ وَنَجۡعَلَهُمُ ٱلۡوَٰرِثِينَ

5. Waxaana doonnay inaan u galno wanaag kuwii loo arkay daciif ee lagu dulleysanayey arlada, kana yeello hooggaamiyayaal, oo ka yeello iyaga dhaxlayaasha (arlada Masar). info
التفاسير: