Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup

Sayfa numarası:close

external-link copy
35 : 18

وَدَخَلَ جَنَّتَهُۥ وَهُوَ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ قَالَ مَآ أَظُنُّ أَن تَبِيدَ هَٰذِهِۦٓ أَبَدٗا

35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa13. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed. info

13.Isagoo isla weyn ka abaal dhacsan Alle. Wuxuu khayrka iyo barwaaqada uu heysto u nisbeeyey naftiisa halkii Alle, wuxuuna dafiray inay jirto Aakhiro.

التفاسير:

external-link copy
36 : 18

وَمَآ أَظُنُّ ٱلسَّاعَةَ قَآئِمَةٗ وَلَئِن رُّدِدتُّ إِلَىٰ رَبِّي لَأَجِدَنَّ خَيۡرٗا مِّنۡهَا مُنقَلَبٗا

36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 18

قَالَ لَهُۥ صَاحِبُهُۥ وَهُوَ يُحَاوِرُهُۥٓ أَكَفَرۡتَ بِٱلَّذِي خَلَقَكَ مِن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ سَوَّىٰكَ رَجُلٗا

37. Wuxuu yidhi saaxiibkiis isagoo la doodaya; Ma waxaad rumeysayneyn Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana mani yar oo nool, haddana kaa dhigay nin dhan. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 18

لَّٰكِنَّا۠ هُوَ ٱللَّهُ رَبِّي وَلَآ أُشۡرِكُ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا

38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada. info
التفاسير:

external-link copy
39 : 18

وَلَوۡلَآ إِذۡ دَخَلۡتَ جَنَّتَكَ قُلۡتَ مَا شَآءَ ٱللَّهُ لَا قُوَّةَ إِلَّا بِٱللَّهِۚ إِن تَرَنِ أَنَا۠ أَقَلَّ مِنكَ مَالٗا وَوَلَدٗا

39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog iyo xeelad aan ka imaan xagga Alle? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay. info
التفاسير:

external-link copy
40 : 18

فَعَسَىٰ رَبِّيٓ أَن يُؤۡتِيَنِ خَيۡرٗا مِّن جَنَّتِكَ وَيُرۡسِلَ عَلَيۡهَا حُسۡبَانٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ فَتُصۡبِحَ صَعِيدٗا زَلَقًا

40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn. info
التفاسير:

external-link copy
41 : 18

أَوۡ يُصۡبِحَ مَآؤُهَا غَوۡرٗا فَلَن تَسۡتَطِيعَ لَهُۥ طَلَبٗا

41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 18

وَأُحِيطَ بِثَمَرِهِۦ فَأَصۡبَحَ يُقَلِّبُ كَفَّيۡهِ عَلَىٰ مَآ أَنفَقَ فِيهَا وَهِيَ خَاوِيَةٌ عَلَىٰ عُرُوشِهَا وَيَقُولُ يَٰلَيۡتَنِي لَمۡ أُشۡرِكۡ بِرَبِّيٓ أَحَدٗا

42. Waana la koobay midhahiisii (la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu (kor iyo hoos u)geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 18

وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ فِئَةٞ يَنصُرُونَهُۥ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَمَا كَانَ مُنتَصِرًا

43. Uma ahaanin koox u gargaarta Alle sokadi, mana aha mid gargaarta. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 18

هُنَالِكَ ٱلۡوَلَٰيَةُ لِلَّهِ ٱلۡحَقِّۚ هُوَ خَيۡرٞ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ عُقۡبٗا

44. Halkaasi14, awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib wanaagsan. info

14. Waqtigaas ama Maalinta Qiyaamaha

التفاسير:

external-link copy
45 : 18

وَٱضۡرِبۡ لَهُم مَّثَلَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا كَمَآءٍ أَنزَلۡنَٰهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ فَٱخۡتَلَطَ بِهِۦ نَبَاتُ ٱلۡأَرۡضِ فَأَصۡبَحَ هَشِيمٗا تَذۡرُوهُ ٱلرِّيَٰحُۗ وَكَانَ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ مُّقۡتَدِرًا

45. Ugu soo qaad tusaale nolosha
adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso, Allena wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.
info
التفاسير: