Kur'an-ı Kerim meal tercümesi - Somalice Tercüme - Abdullah Hasan Yakup

external-link copy
64 : 10

لَهُمُ ٱلۡبُشۡرَىٰ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَفِي ٱلۡأٓخِرَةِۚ لَا تَبۡدِيلَ لِكَلِمَٰتِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ

64. Waxay leeyihiin bishaaro16 nolosha adduunkan iyo aakhiradaba. Ma jiro wax beddelaad ah Kelmadaha Alle (iyo baaqasho Ballankiisa). Arrinkaasi weeye Liibaanta Weyn. info

16. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Riyada wanaagsan (ee dhabowda) uu ku riyooda qof wanaagsan ee Alle ka cabsada waa qayb ka mid ah afartan iyo lixdanka qaybood ee Nabinnimada. W.w.Al-Bukhaari

التفاسير: