ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ්

Al-anfaal

external-link copy
1 : 8

يَسۡـَٔلُونَكَ عَنِ ٱلۡأَنفَالِۖ قُلِ ٱلۡأَنفَالُ لِلَّهِ وَٱلرَّسُولِۖ فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَصۡلِحُواْ ذَاتَ بَيۡنِكُمۡۖ وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥٓ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

1.Waxay wax kaa su'aali (xukunka) qaniimooyinka (dagaalka). Dheh, (go’aanka ku saabsan) Qaniimooyinka waxaa leh Allaah iyo Rasuulka. Ee Alle ka cabsada (oo dhowra xilkuu idin saaray) oo hagaajiya (xalleeya) waxa idiin dhexeeya oo khilaaf ah, adeecana Allaah iyo Rasuulkiisa, haddaad tihiin mu’miniin. info
التفاسير:

external-link copy
2 : 8

إِنَّمَا ٱلۡمُؤۡمِنُونَ ٱلَّذِينَ إِذَا ذُكِرَ ٱللَّهُ وَجِلَتۡ قُلُوبُهُمۡ وَإِذَا تُلِيَتۡ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتُهُۥ زَادَتۡهُمۡ إِيمَٰنٗا وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

2. Sideedaba mu’miniintu waa uun kuwa ay cabsato oo nuglaato quluubtoodu marka la xuso Alle (weyneyn iyo ka heybeysi), marka Aayadahiisa loo akhriyona ay u kordhiyaan Iimaan; Rabbigood (Keliyana) tala saarta oo isku halleeya. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 8

ٱلَّذِينَ يُقِيمُونَ ٱلصَّلَوٰةَ وَمِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ يُنفِقُونَ

3. Ee ah kuwa ooga salaadda oo waxa aan siinnay wax ka bixiya (sadaqaysta). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 8

أُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡمُؤۡمِنُونَ حَقّٗاۚ لَّهُمۡ دَرَجَٰتٌ عِندَ رَبِّهِمۡ وَمَغۡفِرَةٞ وَرِزۡقٞ كَرِيمٞ

4. Kuwaasi waa mu’miniinta runta ah. Waxay leeyihiin darajooyin sharaf iyo maamuus ah Rabbigood agtiis, iyo denbi dhaaf iyo risiq wanaagsan (Jannada gudaheeda). info
التفاسير:

external-link copy
5 : 8

كَمَآ أَخۡرَجَكَ رَبُّكَ مِنۢ بَيۡتِكَ بِٱلۡحَقِّ وَإِنَّ فَرِيقٗا مِّنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ لَكَٰرِهُونَ

5. Siduu Rabbigaa kaaga soo saaray gurigaaga si xaq ah (inaad u baxdo dagaalkii Badar waxay la mid tahay siduu kuu amray inaad ugu qaybiso qanoomiyin- ka dagaalka si xaq ah dhexdood, oo labaduba ahaa khayr), inkastoo qaar ka mid ah mu’miniinta ay kahanayeen. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 8

يُجَٰدِلُونَكَ فِي ٱلۡحَقِّ بَعۡدَ مَا تَبَيَّنَ كَأَنَّمَا يُسَاقُونَ إِلَى ٱلۡمَوۡتِ وَهُمۡ يَنظُرُونَ

6. Waxay kaala doodayeen1 xaqa kaddib markuu u caddaaday, (waxay baxeen) sidii iyagoo loo wado dhimasho iyagoo eegaya. info

1. Waxay tilmaameysaa dooddii dhex martay muslimiinta xagga qaybinta qaniimada dagaalka. Alle wuxuu u qaybshay qaniimooyinka si xaq ah sida uu u amrayba Nabiga s.c.w. inuu kaga baxo guriga oo u aado dagaalka Badar si xaq ah. Ad-Dabari waxaa ku qoran inay ka baxeen guriga iyagoo u socda dagaalka Badar.

التفاسير:

external-link copy
7 : 8

وَإِذۡ يَعِدُكُمُ ٱللَّهُ إِحۡدَى ٱلطَّآئِفَتَيۡنِ أَنَّهَا لَكُمۡ وَتَوَدُّونَ أَنَّ غَيۡرَ ذَاتِ ٱلشَّوۡكَةِ تَكُونُ لَكُمۡ وَيُرِيدُ ٱللَّهُ أَن يُحِقَّ ٱلۡحَقَّ بِكَلِمَٰتِهِۦ وَيَقۡطَعَ دَابِرَ ٱلۡكَٰفِرِينَ

7. (Xusuusta, mu’miniintoy) markuu Alle idiin ballan qaaday mid ka mid ah labada kooxood (colka ka yimid Makkah ama safarkii badeecada siday ee ka yimid Suuriya) inaad is-heli doontaan, waxaadna jecleydeen tan aan hubeysnayn inaad is-heshaan2, Allena wuxuu doonayey inuu ku sugo Xaqa Kelmedihiisa, oo gooyo cidhibta gaalada. info

2. Abuu Sufyaan wuxuu ka yimid safar Suuriya ah isagoo badeecad aad u tiro badan ka keenay. Qolo hubeysanna waxay ka yimaadeen xagga Makkah, waxaana hoggaaminayey Cutba bin Rabiicah, iyo Abuu Jahal.

التفاسير:

external-link copy
8 : 8

لِيُحِقَّ ٱلۡحَقَّ وَيُبۡطِلَ ٱلۡبَٰطِلَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

8. Si uu (Alle) u sugo Xaqa, oo u buriyo baa- dilka haba nacbeystaan denbiilayaashee. info
التفاسير: