ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ්

පිටු අංක:close

external-link copy
58 : 7

وَٱلۡبَلَدُ ٱلطَّيِّبُ يَخۡرُجُ نَبَاتُهُۥ بِإِذۡنِ رَبِّهِۦۖ وَٱلَّذِي خَبُثَ لَا يَخۡرُجُ إِلَّا نَكِدٗاۚ كَذَٰلِكَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يَشۡكُرُونَ

58. Dhulka wanaagsani naqiisa wuxuu ku soo baxaa (si fudud oo badan) Idanka Rabbigiis, midkase xun (daaqiisu) kuma soo baxo waxaan dhib ahayn. Sidaasaan ugu caddeynaa Aayadaha ciddii shukrin. info
التفاسير:

external-link copy
59 : 7

لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوۡمِهِۦ فَقَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓ إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ

59. Waxaan u soo dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran. info
التفاسير:

external-link copy
60 : 7

قَالَ ٱلۡمَلَأُ مِن قَوۡمِهِۦٓ إِنَّا لَنَرَىٰكَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

60. Xildhibaannadii ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: waxaan kugu aragnaa inaad ku sugan tahay habow cad. info
التفاسير:

external-link copy
61 : 7

قَالَ يَٰقَوۡمِ لَيۡسَ بِي ضَلَٰلَةٞ وَلَٰكِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

61. (Nuux) wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Kuma sugni habow, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka. info
التفاسير:

external-link copy
62 : 7

أُبَلِّغُكُمۡ رِسَٰلَٰتِ رَبِّي وَأَنصَحُ لَكُمۡ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

62. Waxaan idin soo gaarsiiyaa Farriimaha (Alle) Rabbigay (iyo Rabbigiinba), waana idiin naseexeyn, waxaana ka ogahay xagga Alle waxaydaan ogayn. info
التفاسير:

external-link copy
63 : 7

أَوَعَجِبۡتُمۡ أَن جَآءَكُمۡ ذِكۡرٞ مِّن رَّبِّكُمۡ عَلَىٰ رَجُلٖ مِّنكُمۡ لِيُنذِرَكُمۡ وَلِتَتَّقُواْ وَلَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto. info
التفاسير:

external-link copy
64 : 7

فَكَذَّبُوهُ فَأَنجَيۡنَٰهُ وَٱلَّذِينَ مَعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَآۚ إِنَّهُمۡ كَانُواْ قَوۡمًا عَمِينَ

64. Wayse beeniyeen, markaasaan badbaadinnay isaga iyo kuwii kula jiray Doonnida, oo harqinnay kuwii beeniyey Aayadahayaga. Hubaal waxay ahaayeen qolo indha la’ (aan Xaqa arag). info
التفاسير:

external-link copy
65 : 7

۞ وَإِلَىٰ عَادٍ أَخَاهُمۡ هُودٗاۚ قَالَ يَٰقَوۡمِ ٱعۡبُدُواْ ٱللَّهَ مَا لَكُم مِّنۡ إِلَٰهٍ غَيۡرُهُۥٓۚ أَفَلَا تَتَّقُونَ

65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha). info
التفاسير:

external-link copy
66 : 7

قَالَ ٱلۡمَلَأُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِن قَوۡمِهِۦٓ إِنَّا لَنَرَىٰكَ فِي سَفَاهَةٖ وَإِنَّا لَنَظُنُّكَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

66. Xildhibaannadii gaaloobay oo ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaan innagu kugu aragnaa caqli xumo, waxaana kuu maleynaynaa inaad ka mid tahay beenalayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
67 : 7

قَالَ يَٰقَوۡمِ لَيۡسَ بِي سَفَاهَةٞ وَلَٰكِنِّي رَسُولٞ مِّن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

67. Wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Ima heyso caqli xumo, waxaanse ahay Rasuul ka socda Rabbiga uumanka. info
التفاسير: