ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ්

Al-xujraat

external-link copy
1 : 49

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تُقَدِّمُواْ بَيۡنَ يَدَيِ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ سَمِيعٌ عَلِيمٞ

1. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha ka hor marinnina (qowlkiinna) (qowlka) Ilaahay iyo Rasuulkiisa2, dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, Wax kasta Og. info

1. Al-Xujuraat macnaheedu waa qolalka gaarka ah, waxaana loola jeedaa qololkii ay degganaayeen xaasaskii Nabiga s.c.w.
2. Waxaa loola jeedaa uma bannaana mu’miniinta inay ka bixiyaan wax xukun ah arrin ay ahaataba haddii aanay oggolaansho iyo daliil ka heysan Alle iyo Rasuulkiisa.

التفاسير:

external-link copy
2 : 49

يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَرۡفَعُوٓاْ أَصۡوَٰتَكُمۡ فَوۡقَ صَوۡتِ ٱلنَّبِيِّ وَلَا تَجۡهَرُواْ لَهُۥ بِٱلۡقَوۡلِ كَجَهۡرِ بَعۡضِكُمۡ لِبَعۡضٍ أَن تَحۡبَطَ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تَشۡعُرُونَ

2. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Ha u qaadina kor codadkiinna si ka sarreysa codka Nabiga, hana kula tannaagoogina hadalka sida uu ugula tannaagoodo qaarkiinba qaarka kale, si aan camalkiinna u burin idinkoo aan dreemeyn. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 49

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَغُضُّونَ أَصۡوَٰتَهُمۡ عِندَ رَسُولِ ٱللَّهِ أُوْلَٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱمۡتَحَنَ ٱللَّهُ قُلُوبَهُمۡ لِلتَّقۡوَىٰۚ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٌ عَظِيمٌ

3. Kuwa hoos u dhiga cododkooda marka ay hor joogaan Rasuulka Alle, waa kuwaas kuwa uu Quluubtooda Alle imtixaanay xagga dhowrsashadooda, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud weyn (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 49

إِنَّ ٱلَّذِينَ يُنَادُونَكَ مِن وَرَآءِ ٱلۡحُجُرَٰتِ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يَعۡقِلُونَ

4. Kuwase kaaga dhawaaqa qololka gadaashood, badankoodu ma aha wax garad. info
التفاسير: