10. Shacaa’irallaah waxaa loola jeedaa acmaasha Xajka iyo meelaha lagu cibaadeysto iyo cilmiga sharciga iyo culimada aqoonta u leh diinta ee ku camal fala ee towxiidka heysta oo ka fog shirkiga iyo macaasida, xalaashana quuta.
11. Waxaa loola jeedaa hadyiga, waa lagu intifaaci karaa ka hor inta aan la gowricin sida in la listo caanahooda, ama la fuulo, iwm ilaa maalinta gowraca.
12. Xuduudda Xaramka, waxaana soo galaya sidoo kale Mina.
13. Xagga hadyiga waxay ahayd mar waliba qayb ka mid ah diinta uu Alle soo waxyooday.
14. Geela waxaa la bireeyaa iyagoo taagan.