7. Macnaha waxaa weeye Alle wuxuu idiin sakhiray dad iyo duunyo kale uu isagu wax siiyo oo irsaaqo. Macno kale waxaa weeye Alle wuxuu idin siiyaa waxyaalo aad ku noolataan oo sidoo kale siiyaa dhammaan uumanka kale.
8. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Hadduu qofka aadmiga ahi dhinto waxaa go’a camalkiisa marka laga reebo seddex arrimood: Sadaqa joogto ah (waqaf), cilmi lagu intifaaco, ama ilmo wanaagsan oo u soo duceeya. (W.w. Muslim).
9. Allaah subxaanahu wa tacaalaa baa hara markay uunka oo dhan dhintaan.
10.Walaxda nolosha iyo nafta uu Alle u abuuray jirkaa, ma aha ruux ilaahnimo ah ama qayb ka mid ah (sida uu yahayba fahanka gurracan ee gaalada).
11.Wuxuu ka mid ahaa jinka sida ku soo arooray Suuradda 18: Aayadda 50.
12. Sujuudda halkan loolama jeedo cibaado ee waxaa loola jeedaa salaan ka heybeysi iyo qaddarin iyo weyneyn ah adigoo madaxa hoos u soo rogaya. Waana tii Mucaad markuu soo arkay dad sidaa salaan madaxa ula soo roganaya hoos, uu damcay inuu sidaas oo kale u salaamo oo ugu sujuudo Nabi Muxammad s.c.w. waana uu ku diiday, waayo shareecada Nabi Muxammad s.c.w kuma bannaana in qofna loo rukuuco oo madax hoos loogu dhigo, Rukuuca sidaas ah sujuudna waa la yidhaahdaa. Rukuuca iyo sujuudda waa cibaado cidna xaq uma leh aan ahayn Alle subxaanahu watacaalaa.