4. Waa inuu og yahay oo ka war qabo xaalkooda iyo sirahooda oo maqlo oo arko oo awood ku dul leeyahay, laakiinse Alle cirkuu jiraa Carshigiisuu dul ahaaday si u qalanta Weynidiisa.
5. Waa tilmaan xaalkii Yuhuudda wax ka degganeyd Madiina ee ku salaamay muslimiinta As-Saamu Calaykum oo macnaheedu yahay dhinta halkii ay odhan lahaayeen As-salaamu caleykum.
6. Waxaa loola jeedaa sida muuqata hadalka xanta ah iyo xumaan ku tashiga.
7. Alle ha idiin waasiciyee Naxariistiisa ama Jannadiisa gudaheed, ama wax kasta oo wanaagsan.
8. U kaca salaad ama jihaad ama camal kasta oo wanaagsan.