19. Waa Yuhuuddii Banii Quraydah ee uga baxay ballanka Muslimiinta.
20. Kaddib markay kala tageen kooxihii isa soo baheystey, wuxuu Alle amray Nabigiisa inay duullaan ku qaadaan banii Quraydah, qabiil Yahuud ah oo wax ka degganaa Madiinah oo kaga baxay Muslimiinta axdigii ay wada galeen, oo gacan siiyey cadowgooda, markaasay hareereeyeen, markaasaa la laayey wixii dagaal geli karay, oo la soo qafaashay haweenka iyo carruurtoodii.
21. Arladaasoo ay galeen ciidanka Muslimiinta, oo ay ku furteen duullaamo xigay duullaankaa.