Tradução dos significados do Nobre Qur’an. - Tradução somali - Abdullah Hassan Jacob

Número de página:close

external-link copy
118 : 11

وَلَوۡ شَآءَ رَبُّكَ لَجَعَلَ ٱلنَّاسَ أُمَّةٗ وَٰحِدَةٗۖ وَلَا يَزَالُونَ مُخۡتَلِفِينَ

118. Hadduu doonona Rabbigaa, wuxuu ka yeeli lahaa dadka ummad keliya, mase dayn doonan inay iskhilaafaan. info
التفاسير:

external-link copy
119 : 11

إِلَّا مَن رَّحِمَ رَبُّكَۚ وَلِذَٰلِكَ خَلَقَهُمۡۗ وَتَمَّتۡ كَلِمَةُ رَبِّكَ لَأَمۡلَأَنَّ جَهَنَّمَ مِنَ ٱلۡجِنَّةِ وَٱلنَّاسِ أَجۡمَعِينَ

119. Mid uu Rabbigaa u Naxariisto maahee, arrinkani (towxiidka) awgi buuna Alle u abuuray. Wayna taam noqon Kelmedda Rabbigaa oo ah: Waxaan ka buuxin Jahannama jinka iyo dadkoo dhammi (igu caasiya). info
التفاسير:

external-link copy
120 : 11

وَكُلّٗا نَّقُصُّ عَلَيۡكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلرُّسُلِ مَا نُثَبِّتُ بِهِۦ فُؤَادَكَۚ وَجَآءَكَ فِي هَٰذِهِ ٱلۡحَقُّ وَمَوۡعِظَةٞ وَذِكۡرَىٰ لِلۡمُؤۡمِنِينَ

120. Dhammaan waxaanu kuu soo tebinno oo ku saabsan wararka Rususha waa si aan ugu xoojinno qalbigaaga. Waxaana kuugu yimid (suuradda) tani dhexdeeda Xaq iyo wacdi iyo waanada mu’miniinta. info
التفاسير:

external-link copy
121 : 11

وَقُل لِّلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ ٱعۡمَلُواْ عَلَىٰ مَكَانَتِكُمۡ إِنَّا عَٰمِلُونَ

121. Ku dheh kuwa aan (Xaqa) rumaynin: U camal fasha sidiinnaas dowga idinla ah, innaguna sidoo kale waanu camal falaneynaa. info
التفاسير:

external-link copy
122 : 11

وَٱنتَظِرُوٓاْ إِنَّا مُنتَظِرُونَ

122. Oo suga (cidhibta arrinkiinna), innaguna (sidoo kale) waanu sugaynaa. info
التفاسير:

external-link copy
123 : 11

وَلِلَّهِ غَيۡبُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ يُرۡجَعُ ٱلۡأَمۡرُ كُلُّهُۥ فَٱعۡبُدۡهُ وَتَوَكَّلۡ عَلَيۡهِۚ وَمَا رَبُّكَ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

123. Alle baana iska leh waxa aan Muuqan ee jira samooyinka iyo arlada, Xaggiisaana loo celiyaa arrinka oo dhan. Ee caabud Isagoo Keliya (adigoon waxba u shariig yeelin); oo tala saaro. Rabbigaana ma aha mid moog waxaad falaysaan. info
التفاسير: