വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

Al-mulk

external-link copy
1 : 67

تَبَٰرَكَ ٱلَّذِي بِيَدِهِ ٱلۡمُلۡكُ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ

1. Waxaa khayr iyo barako badan (Alle) ay Gacantiisu ku jirto Mulkiga (iyo Maamulka uunka oo dhan), wax walbana Kara. info

1. Al-Mulk: Xukunka, Boqortooyada, Hanashada, Lahaanshada, Maamulka, Agaasinka, iwm.

التفاسير:

external-link copy
2 : 67

ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلۡمَوۡتَ وَٱلۡحَيَوٰةَ لِيَبۡلُوَكُمۡ أَيُّكُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡغَفُورُ

2. Alle waa Kan abuuray geeri iyo nololba, si uu idiin imtixaano kiinna idiinku camal wanaagsan. Waa Adkaadaha sare, Denbi Dhaafka Badan. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 67

ٱلَّذِي خَلَقَ سَبۡعَ سَمَٰوَٰتٖ طِبَاقٗاۖ مَّا تَرَىٰ فِي خَلۡقِ ٱلرَّحۡمَٰنِ مِن تَفَٰوُتٖۖ فَٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ هَلۡ تَرَىٰ مِن فُطُورٖ

3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 67

ثُمَّ ٱرۡجِعِ ٱلۡبَصَرَ كَرَّتَيۡنِ يَنقَلِبۡ إِلَيۡكَ ٱلۡبَصَرُ خَاسِئٗا وَهُوَ حَسِيرٞ

4. Misna ku celi aragga mar labaad, araggaagu adiga buu kugu soo noqon isagoo dulleysan oo daallan. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 67

وَلَقَدۡ زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِمَصَٰبِيحَ وَجَعَلۡنَٰهَا رُجُومٗا لِّلشَّيَٰطِينِۖ وَأَعۡتَدۡنَا لَهُمۡ عَذَابَ ٱلسَّعِيرِ

5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka dhignay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta2, waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa. info

2. Xiddigahaa waa qurux iyo ilaalo.

التفاسير:

external-link copy
6 : 67

وَلِلَّذِينَ كَفَرُواْ بِرَبِّهِمۡ عَذَابُ جَهَنَّمَۖ وَبِئۡسَ ٱلۡمَصِيرُ

6. Kuwa ku gaalooba Rabbigood waxay leeyihiin cadaab jahannamo, oo u xun aayotiin iyo meel la ahaado. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 67

إِذَآ أُلۡقُواْ فِيهَا سَمِعُواْ لَهَا شَهِيقٗا وَهِيَ تَفُورُ

7. Marka (gaalada) lagu tuuro Naarta, waxay ka maqli cartan daran iyadoo karaysa. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 67

تَكَادُ تَمَيَّزُ مِنَ ٱلۡغَيۡظِۖ كُلَّمَآ أُلۡقِيَ فِيهَا فَوۡجٞ سَأَلَهُمۡ خَزَنَتُهَآ أَلَمۡ يَأۡتِكُمۡ نَذِيرٞ

8. Waxay ku sigan inay la kala dillaacdo cadho. Mar kastoo guuto lagu tuuro, wuxuu waardiyaheeda weydiin: Miyuusan idiin imaan dige (Rasuul Alle)? info
التفاسير:

external-link copy
9 : 67

قَالُواْ بَلَىٰ قَدۡ جَآءَنَا نَذِيرٞ فَكَذَّبۡنَا وَقُلۡنَا مَا نَزَّلَ ٱللَّهُ مِن شَيۡءٍ إِنۡ أَنتُمۡ إِلَّا فِي ضَلَٰلٖ كَبِيرٖ

9. Waxay odhan: Haayoo waa noo yimid dige, waanse beeninnay oo nidhi: Alle ma soo dejin wax (Waxyi ah), waxaad uun idinku ku sugan tihiin habow weyn. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 67

وَقَالُواْ لَوۡ كُنَّا نَسۡمَعُ أَوۡ نَعۡقِلُ مَا كُنَّا فِيٓ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

10. Waxay odhan: Haddaan wax maqli laheyn ama garowsan laheyn, kama aanu mid ahaaneyn ehlu Naarka. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 67

فَٱعۡتَرَفُواْ بِذَنۢبِهِمۡ فَسُحۡقٗا لِّأَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

11. Marka waxay qiran denbigooda, ee ha fogaadeen3 qolada Naarta Hureysa. info

3. Iyagoo laga fogeeyey wax khayr ah oo dhan ama wax Naxariis Ilaahay ah.

التفاسير:

external-link copy
12 : 67

إِنَّ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٞ

12. Kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba) waxay leeyihiin Denbi Dhaaf iyo Ajar Weyn (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
13 : 67

وَأَسِرُّواْ قَوۡلَكُمۡ أَوِ ٱجۡهَرُواْ بِهِۦٓۖ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ

13. Hoos u dhiga hadalkiinna ama kor u qaada. (Alle) wuu Og yahay waxa ku jira laabaha (dadka). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 67

أَلَا يَعۡلَمُ مَنۡ خَلَقَ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ

14. Miyuusan Ogeyn Kan abuuray (uunkiisa iyo arrimahooda)4? Waa Roonaan Badanaha, Xog Ogaalka ah. info

4. Tafsiirka kale waxaa weeye: Miyuusan Alle ogeyn xaalka kuwa uu abuuray?

التفاسير:

external-link copy
15 : 67

هُوَ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ ذَلُولٗا فَٱمۡشُواْ فِي مَنَاكِبِهَا وَكُلُواْ مِن رِّزۡقِهِۦۖ وَإِلَيۡهِ ٱلنُّشُورُ

15. Alle waa Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
16 : 67

ءَأَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يَخۡسِفَ بِكُمُ ٱلۡأَرۡضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ

16. Ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ee ka kor ah cirka idinla gooyo arlada, ayna idin la dhaqdhaqaaqdo5. info

5. Sida dhul gariirka.

التفاسير:

external-link copy
17 : 67

أَمۡ أَمِنتُم مَّن فِي ٱلسَّمَآءِ أَن يُرۡسِلَ عَلَيۡكُمۡ حَاصِبٗاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ كَيۡفَ نَذِيرِ

17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu? info
التفاسير:

external-link copy
18 : 67

وَلَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ

18. Waxaa dhab ahaan beeniyey (Xaqa) kuwii ka horreeyey, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii? info
التفاسير:

external-link copy
19 : 67

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلطَّيۡرِ فَوۡقَهُمۡ صَٰٓفَّٰتٖ وَيَقۡبِضۡنَۚ مَا يُمۡسِكُهُنَّ إِلَّا ٱلرَّحۡمَٰنُۚ إِنَّهُۥ بِكُلِّ شَيۡءِۭ بَصِيرٌ

19. Miyeyna arag shimbiraha korkooda ah ee fidinaya (baalashooda) oo isku soo laabaya? Ma jiraan wax haya iyaga aan aheyn (Alle) Raxmaanka. Hubaal, wax walba wuu Arkaa. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 67

أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي هُوَ جُندٞ لَّكُمۡ يَنصُرُكُم مِّن دُونِ ٱلرَّحۡمَٰنِۚ إِنِ ٱلۡكَٰفِرُونَ إِلَّا فِي غُرُورٍ

20. Waa kee kan idiin noqon kara ciidan idiin soo gargaara Raxmaanka (Alle) sokadi? Gaaladu kuma sugna waxaan aheyn hodnaan. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 67

أَمَّنۡ هَٰذَا ٱلَّذِي يَرۡزُقُكُمۡ إِنۡ أَمۡسَكَ رِزۡقَهُۥۚ بَل لَّجُّواْ فِي عُتُوّٖ وَنُفُورٍ

21. Ama waa kee kaa idin siin risiq haddii uu (Alle) heysto Risiqiisa? Waxayse ku adkeystaan kibir iyo didmo. info
التفاسير:

external-link copy
22 : 67

أَفَمَن يَمۡشِي مُكِبًّا عَلَىٰ وَجۡهِهِۦٓ أَهۡدَىٰٓ أَمَّن يَمۡشِي سَوِيًّا عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

22. Ma mid socda wejigiisoo foorara baa hanuunsan, mise mid ugu socda si quman Jid Toosan? info
التفاسير:

external-link copy
23 : 67

قُلۡ هُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَكُمۡ وَجَعَلَ لَكُمُ ٱلسَّمۡعَ وَٱلۡأَبۡصَٰرَ وَٱلۡأَفۡـِٔدَةَۚ قَلِيلٗا مَّا تَشۡكُرُونَ

23. Dheh: (Alle) waa Kan idin uumay idiinna yeelay maqalka, aragga iyo laabaha. Yaraa intaad (ku) mahdisaan. info
التفاسير:

external-link copy
24 : 67

قُلۡ هُوَ ٱلَّذِي ذَرَأَكُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَإِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ

24. Dheh: (Alle) waa Kan idinku fidshay (abuuray) dhulka, Xaggiisaana la idiin soo kulmin (Qiyaamada). info
التفاسير:

external-link copy
25 : 67

وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

25. Waxay odhan: Waa goorma waqtiga gooddigani la fulin haddaad run sheegi? info
التفاسير:

external-link copy
26 : 67

قُلۡ إِنَّمَا ٱلۡعِلۡمُ عِندَ ٱللَّهِ وَإِنَّمَآ أَنَا۠ نَذِيرٞ مُّبِينٞ

26.Dheh: Alle baa Og (waqtigay tahay), waxaanse ahay anigu dige cad. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 67

فَلَمَّا رَأَوۡهُ زُلۡفَةٗ سِيٓـَٔتۡ وُجُوهُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَقِيلَ هَٰذَا ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تَدَّعُونَ

27. Markayse arkaan (cadaabka Ilaahay) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah). info
التفاسير:

external-link copy
28 : 67

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَهۡلَكَنِيَ ٱللَّهُ وَمَن مَّعِيَ أَوۡ رَحِمَنَا فَمَن يُجِيرُ ٱلۡكَٰفِرِينَ مِنۡ عَذَابٍ أَلِيمٖ

28. Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan? info
التفاسير:

external-link copy
29 : 67

قُلۡ هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ءَامَنَّا بِهِۦ وَعَلَيۡهِ تَوَكَّلۡنَاۖ فَسَتَعۡلَمُونَ مَنۡ هُوَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

29. Dheh: Alle waa Raxmaanka, waanu rumeynay, Isagaana isku halleynaa oo tala saarannaa. Waad ogaan doontaan waa kee kan ku sugan habow cad. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 67

قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَصۡبَحَ مَآؤُكُمۡ غَوۡرٗا فَمَن يَأۡتِيكُم بِمَآءٖ مَّعِينِۭ

30. Dheh: Bal ka warrama hadday biyihiin- nu dhulka ku guraan, waa kee kan idiin keeni kara biyo socda oo dur dur ah?. info

Ma jiro waxaan Alle ahayn oo keeni kara.

التفاسير: