3. Kan abuuray toddobo samooyin dabaqyo ah kala korreeya, ku arki meysid wax isdhaafsanaan ah abuurka (Ilaahay) Raxmaanka. Ee ku celi araggee: Miyaad ku aragtaa wax dillaac ah iyo duleello.
5. Waxaan dhab ahaan ku qurxinnay samada dhow nalal (xiddigo), Waxaana ka dhignay (xiddigahaa) gantaallo lagu gano shayaadiinta2, waxaanuna u diyaarinnay cadaab Naar hureysa.
15. Alle waa Kan idiinka dhigay dhulka hayin ee ku socda aagaggiisa waasica ah, oo wax ka cuna risiqiisa, Xaggiisa bay ahaan u soo Bixiddu (Qiyaamada).
17. Mise ma waxaad aamin ka tihiin in (Alle) ka kor ah cirka, uu idiin soo diro dabeyl kulul oo habaas wadata? Marka waad ogaan sidee aheyd Digniinteydu?
27. Markayse arkaan (cadaabka Ilaahay) oo ku soo dhow, waxaa xumaan wejiyada gaalada, waxaana lagu odhan: Waa kan waxaad u yeedhan jirteen (in la idiin soo dedejiyo oo cadaab ah).
28. Dheh: Bal ka warrama haddii Alle na oofsado aniga iyo inta ila jirta (mu'miniinta), ama noo naxariisto, yaa ka badbaaadin gaalada cadaab xanuun badan?