وه‌رگێڕانی ماناكانی قورئانی پیرۆز - وەرگێڕاوی سۆماڵی - عبد الله حەسەن یەعقوب

Al-macaarij

external-link copy
1 : 70

سَأَلَ سَآئِلُۢ بِعَذَابٖ وَاقِعٖ

1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda (gaalada loo soo dedejiyo)2. info

1. Al-Macaarij: Waddooyinka kor loogu baxo cirka waa kuwa ay malaa’igta u maraan aadista samooyinka.
2. Gaaladu waxay ka hor yimaadeen Nabiga s.c.w. iyagoo ka dalbay inuu ku keeno cadaab dushooda.

التفاسير:

external-link copy
2 : 70

لِّلۡكَٰفِرِينَ لَيۡسَ لَهُۥ دَافِعٞ

2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin - info
التفاسير:

external-link copy
3 : 70

مِّنَ ٱللَّهِ ذِي ٱلۡمَعَارِجِ

3. Kaga iman xagga Alle, Rabbiga leh Darajooyinka sare, haybadda, Sarreynta, Sharafta iyo samooyinka koreba ee waddooyinka leh kor loogu aado. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 70

تَعۡرُجُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥ خَمۡسِينَ أَلۡفَ سَنَةٖ

4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 70

فَٱصۡبِرۡ صَبۡرٗا جَمِيلًا

5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 70

إِنَّهُمۡ يَرَوۡنَهُۥ بَعِيدٗا

6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 70

وَنَرَىٰهُ قَرِيبٗا

7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 70

يَوۡمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلۡمُهۡلِ

8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 70

وَتَكُونُ ٱلۡجِبَالُ كَٱلۡعِهۡنِ

9. Buuruhu noqon sida cudbi la dhilay. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 70

وَلَا يَسۡـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمٗا

10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 70

يُبَصَّرُونَهُمۡۚ يَوَدُّ ٱلۡمُجۡرِمُ لَوۡ يَفۡتَدِي مِنۡ عَذَابِ يَوۡمِئِذِۭ بِبَنِيهِ

11. Wayse is arkayaan, denbiilahu wuxuu jeclaan inuu isaga furto Maalintaasi (Qiyaamada) cadaabka ilmahiisa. info
التفاسير:

external-link copy
12 : 70

وَصَٰحِبَتِهِۦ وَأَخِيهِ

12. Iyo xaaskiisa iyo walaalki. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 70

وَفَصِيلَتِهِ ٱلَّتِي تُـٔۡوِيهِ

13. Iyo kuwa u xiga qaraabo ahaan ee siiya meeluu hoydo, info
التفاسير:

external-link copy
14 : 70

وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗا ثُمَّ يُنجِيهِ

14. Iyo waxa dhulka ku sugan dhammaan markaas uu isagu badbaado. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 70

كَلَّآۖ إِنَّهَا لَظَىٰ

15. Mayee! Hubaal waa Naar ololeysa. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 70

نَزَّاعَةٗ لِّلشَّوَىٰ

16. Diiraneysa haragga Madaxa. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 70

تَدۡعُواْ مَنۡ أَدۡبَرَ وَتَوَلَّىٰ

17. U yeedhi kan jeestay ee Xaqa diiday. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 70

وَجَمَعَ فَأَوۡعَىٰٓ

18. Oo maal kulmiyey oo afka u xiray (wax ka bixin sadaqo ahaan). info
التفاسير:

external-link copy
19 : 70

۞ إِنَّ ٱلۡإِنسَٰنَ خُلِقَ هَلُوعًا

19. Aadmigu waxaa lagu abuuray samir yaraan iyo degdegsiinyo. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 70

إِذَا مَسَّهُ ٱلشَّرُّ جَزُوعٗا

20. Markuu dhib taabto wuu murugoodaa oo samir yar yahay. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 70

وَإِذَا مَسَّهُ ٱلۡخَيۡرُ مَنُوعًا

21. Markuu khayr helana waa bakhayl (aan wax bixin). info
التفاسير:

external-link copy
22 : 70

إِلَّا ٱلۡمُصَلِّينَ

22. Kuwa salaadda tukada mooyaane. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 70

ٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ دَآئِمُونَ

23. Ee ah kuwa salaaddooda daa’ima; info
التفاسير:

external-link copy
24 : 70

وَٱلَّذِينَ فِيٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ حَقّٞ مَّعۡلُومٞ

24. Ee ah kuwa maalkooda uu ugu jiro qayb la yaqaan. info
التفاسير:

external-link copy
25 : 70

لِّلسَّآئِلِ وَٱلۡمَحۡرُومِ

25. Kan wax weydiista, iyo kan aan wax heysan. info
التفاسير:

external-link copy
26 : 70

وَٱلَّذِينَ يُصَدِّقُونَ بِيَوۡمِ ٱلدِّينِ

26. Ee ah kuwa rumeysan Maalinta jaazeynta (Qiyaamaha). info
التفاسير:

external-link copy
27 : 70

وَٱلَّذِينَ هُم مِّنۡ عَذَابِ رَبِّهِم مُّشۡفِقُونَ

27. Ee ah kuwa iyagu ka baqa cadaabka Rabbigood. info
التفاسير:

external-link copy
28 : 70

إِنَّ عَذَابَ رَبِّهِمۡ غَيۡرُ مَأۡمُونٖ

28. Hubaal Cadaabka Rabbigaa waa wax aan aamin laga aheyn. info
التفاسير:

external-link copy
29 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِفُرُوجِهِمۡ حَٰفِظُونَ

29. Ee ah kuwa ilaaliya xubnahooda gaarka ah. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 70

إِلَّا عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِهِمۡ أَوۡ مَا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُهُمۡ فَإِنَّهُمۡ غَيۡرُ مَلُومِينَ

30. Xagga xaasaskooda ma’ahee ama kuwa ay gacmahoodu midig hantaan (markaa) ma laha wax eed ah. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 70

فَمَنِ ٱبۡتَغَىٰ وَرَآءَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡعَادُونَ

31. Kiise doona inuu intaas dabo maro, kuwaa weeye kuwa xadgudbayaasha ah. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ لِأَمَٰنَٰتِهِمۡ وَعَهۡدِهِمۡ رَٰعُونَ

32. Ee ah kuwaa ilaaliya ammaanooyinkoo- da iyo ballankooda; info
التفاسير:

external-link copy
33 : 70

وَٱلَّذِينَ هُم بِشَهَٰدَٰتِهِمۡ قَآئِمُونَ

33. Ee ah kuwaa iyagu si toosan u guta oo u fura maraggooda; info
التفاسير:

external-link copy
34 : 70

وَٱلَّذِينَ هُمۡ عَلَىٰ صَلَاتِهِمۡ يُحَافِظُونَ

34. Ee ah kuwa xafida oo dhowra salaaddooda, info
التفاسير:

external-link copy
35 : 70

أُوْلَٰٓئِكَ فِي جَنَّٰتٖ مُّكۡرَمُونَ

35. Kuwaasi waxay geli Beeraha Jannada iyagoo sharfan. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 70

فَمَالِ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ قِبَلَكَ مُهۡطِعِينَ

36. Muxuuse arrinkoodu yahay kuwaa Xaqa diida waa iyaga u soo degdega hareerahaada’e. info
التفاسير:

external-link copy
37 : 70

عَنِ ٱلۡيَمِينِ وَعَنِ ٱلشِّمَالِ عِزِينَ

37. Xagga midigta iyo bidixda koox koox u jooga? info
التفاسير:

external-link copy
38 : 70

أَيَطۡمَعُ كُلُّ ٱمۡرِيٕٖ مِّنۡهُمۡ أَن يُدۡخَلَ جَنَّةَ نَعِيمٖ

38. Ma wuxuu qof walba oo ka mid ahi damci in la geliyo Jannada barwaaqada ah? info
التفاسير:

external-link copy
39 : 70

كَلَّآۖ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّمَّا يَعۡلَمُونَ

39. Mayee, Waxaan ka abuurnay waxay og yihiin (biyo liita oo haddana is kibriyaan). info
التفاسير:

external-link copy
40 : 70

فَلَآ أُقۡسِمُ بِرَبِّ ٱلۡمَشَٰرِقِ وَٱلۡمَغَٰرِبِ إِنَّا لَقَٰدِرُونَ

40. Mayee se! Waxaan ku dhaartay Rabbiga bariyada iyo galbeedyada (waa isla Alle'e oo naf ahaantiisa ku dhaaran) inaan Karno; info
التفاسير:

external-link copy
41 : 70

عَلَىٰٓ أَن نُّبَدِّلَ خَيۡرٗا مِّنۡهُمۡ وَمَا نَحۡنُ بِمَسۡبُوقِينَ

41. Inaan ku beddelno (kuwo kale) oo ka wanaagsan; nalagamana adkaado. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 70

فَذَرۡهُمۡ يَخُوضُواْ وَيَلۡعَبُواْ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي يُوعَدُونَ

42. Ee iska dhaaf ha dhumbadeene (xumaanta) hana iska cayaareen, intay kala kulmaan Maalinkooda loogu gooddiyo. info
التفاسير:

external-link copy
43 : 70

يَوۡمَ يَخۡرُجُونَ مِنَ ٱلۡأَجۡدَاثِ سِرَاعٗا كَأَنَّهُمۡ إِلَىٰ نُصُبٖ يُوفِضُونَ

43. Maalintay ka soo bixi qubuuraha iyagoo degdegaya sida inay u tartarmayaan taallooyin loo taagay. info
التفاسير:

external-link copy
44 : 70

خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۚ ذَٰلِكَ ٱلۡيَوۡمُ ٱلَّذِي كَانُواْ يُوعَدُونَ

44. Indhahoodu rogan yihiin, dulli baa dabooli (korka oo dhan)! Kaasi waa Maalin- kii loogu gooddiyey (ay beeninayeen). info
التفاسير: