وه‌رگێڕانی ماناكانی قورئانی پیرۆز - وەرگێڕاوی سۆماڵی - عبد الله حەسەن یەعقوب

external-link copy
238 : 2

حَٰفِظُواْ عَلَى ٱلصَّلَوَٰتِ وَٱلصَّلَوٰةِ ٱلۡوُسۡطَىٰ وَقُومُواْ لِلَّهِ قَٰنِتِينَ

238. Dhowra (ilaaliya) salaadaha iyo salaadda dhexe60 una istaaga (salaadda) dar Alle idinkoo si run ah u adeecsan. info

60. Salaadda dhexe sida ku cad xadiis saxiix ah waa salaadda Casarka. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii ay si ula kac ah u dhaafto salaadda Casar ilaa uu waqtigeedu baxo waa sida inuu waayey oo dhaafeen ehelkiisa iyo maalkiisa”. Werin kale waxay leedahay: “waxaa qofkaasi bura camalkiisa san oo dhan”.

التفاسير: