72. Riba qaataha ma xasilo, ma deggana, oo waa sida qof waalan oo dhacdhacaya. 73. Ribadii la qaatay ka hor soo degidda Aayaddan way bannaan tahay inaan la soo celin.
74. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan ku imid habeenkii israha iyo micraajka dad aad u caloolo waaweyn oo xaalad xun ku jira, waxaan idhi waa kuwama kuwaani? Malaggii wuxuu yidhi: waa kuwa qaata ribada.”
75. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaa jirey nin ganacsade ah oo dadka wax amaahin jirey, markiise uu arko nin daneysan wuxuu odhan jirey: “U dhaafa oo iska cafiya si Alle noo cafiyo oo noogu denbi dhaafo, markaasuu Alle u denbi dhaafay.” w.w. Al-Bukhaari.