وه‌رگێڕانی ماناكانی قورئانی پیرۆز - وەرگێڕاوی سۆماڵی - عبد الله حەسەن یەعقوب

ژمارەی پەڕە:close

external-link copy
96 : 12

فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلۡبَشِيرُ أَلۡقَىٰهُ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ فَٱرۡتَدَّ بَصِيرٗاۖ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ

96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn. info

31.Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis.

التفاسير:

external-link copy
97 : 12

قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا ٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَٰطِـِٔينَ

97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan. info
التفاسير:

external-link copy
98 : 12

قَالَ سَوۡفَ أَسۡتَغۡفِرُ لَكُمۡ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. info
التفاسير:

external-link copy
99 : 12

فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيۡهِ أَبَوَيۡهِ وَقَالَ ٱدۡخُلُواْ مِصۡرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ

99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Ku gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon. info
التفاسير:

external-link copy
100 : 12

وَرَفَعَ أَبَوَيۡهِ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ وَخَرُّواْ لَهُۥ سُجَّدٗاۖ وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأۡوِيلُ رُءۡيَٰيَ مِن قَبۡلُ قَدۡ جَعَلَهَا رَبِّي حَقّٗاۖ وَقَدۡ أَحۡسَنَ بِيٓ إِذۡ أَخۡرَجَنِي مِنَ ٱلسِّجۡنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلۡبَدۡوِ مِنۢ بَعۡدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بَيۡنِي وَبَيۡنَ إِخۡوَتِيٓۚ إِنَّ رَبِّي لَطِيفٞ لِّمَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ

100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud (rukuuc salaan ahaan32), wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq (sugan). Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah. info

32.Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Alle markaa kaddib waa la mamnuucay.

التفاسير:

external-link copy
101 : 12

۞ رَبِّ قَدۡ ءَاتَيۡتَنِي مِنَ ٱلۡمُلۡكِ وَعَلَّمۡتَنِي مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَنتَ وَلِيِّۦ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ تَوَفَّنِي مُسۡلِمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ

101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
102 : 12

ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهِ إِلَيۡكَۖ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ أَجۡمَعُوٓاْ أَمۡرَهُمۡ وَهُمۡ يَمۡكُرُونَ

102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Mana aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo. info
التفاسير:

external-link copy
103 : 12

وَمَآ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوۡ حَرَصۡتَ بِمُؤۡمِنِينَ

103. Dadka badankiisuna ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho. info
التفاسير: