クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

Al-macaarij

external-link copy
1 : 70

سَأَلَ سَآئِلُۢ بِعَذَابٖ وَاقِعٖ

1. Mid wax dalbaya baa dalbay in cadaab ku dhacda (gaalada loo soo dedejiyo)2. info

1. Al-Macaarij: Waddooyinka kor loogu koro cirka waa kuwa ay malaa’igta u maraan aadista samooyinka.
2. Gaaladu waxay ka hor yimaadeen Nabiga s.c.w. iyagoo ka dalbay inuu ku keeno cadaab dushooda.

التفاسير:

external-link copy
2 : 70

لِّلۡكَٰفِرِينَ لَيۡسَ لَهُۥ دَافِعٞ

2. (Cadaabkaasna) ma jiro wax gaalada ka celin - info
التفاسير:

external-link copy
3 : 70

مِّنَ ٱللَّهِ ذِي ٱلۡمَعَارِجِ

3. Ka iman xagga Alle, ee leh jidadka kor loogu fuulo (samooyinka). info
التفاسير:

external-link copy
4 : 70

تَعۡرُجُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ إِلَيۡهِ فِي يَوۡمٖ كَانَ مِقۡدَارُهُۥ خَمۡسِينَ أَلۡفَ سَنَةٖ

4. Kor u koraan Malaa’igta iyo Ruuxa (Jabriil) Maalin qaddarkeedu dhan yahay konton kun oo sano. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 70

فَٱصۡبِرۡ صَبۡرٗا جَمِيلًا

5. Ee samir (Nabiyow) samir wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
6 : 70

إِنَّهُمۡ يَرَوۡنَهُۥ بَعِيدٗا

6. Waxay (gaaladu) u arkaan (cadaabka Qiyaame) wax fog. info
التفاسير:

external-link copy
7 : 70

وَنَرَىٰهُ قَرِيبٗا

7. Annaguse waxaan u aragnaa inuu dhow yahay. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 70

يَوۡمَ تَكُونُ ٱلسَّمَآءُ كَٱلۡمُهۡلِ

8. Maalintay samadu noqon sida maar shuban. info
التفاسير:

external-link copy
9 : 70

وَتَكُونُ ٱلۡجِبَالُ كَٱلۡعِهۡنِ

9. Buuruhuna noqon sida cudbi la dhilay. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 70

وَلَا يَسۡـَٔلُ حَمِيمٌ حَمِيمٗا

10. Saaxiib uusan saaxiib kale wax weydiineyn. info
التفاسير: