クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

ページ番号:close

external-link copy
171 : 7

۞ وَإِذۡ نَتَقۡنَا ٱلۡجَبَلَ فَوۡقَهُمۡ كَأَنَّهُۥ ظُلَّةٞ وَظَنُّوٓاْ أَنَّهُۥ وَاقِعُۢ بِهِمۡ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٖ وَٱذۡكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ

171. (Xus) markaan gilgilnay buurtii (Siinaay) dushooda sidii isagoo harayn dallad oo kale, waxayna moodeen inuu ku soo kor dhacayo. (Waxaanu ku nidhi): Ku qaata waxaanu idin siiinnay (Towraadda) go’aan adag, oo xusuusnaada waxa ku yaal si aad uga dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale). info
التفاسير:

external-link copy
172 : 7

وَإِذۡ أَخَذَ رَبُّكَ مِنۢ بَنِيٓ ءَادَمَ مِن ظُهُورِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَأَشۡهَدَهُمۡ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡ أَلَسۡتُ بِرَبِّكُمۡۖ قَالُواْ بَلَىٰ شَهِدۡنَآۚ أَن تَقُولُواْ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّا كُنَّا عَنۡ هَٰذَا غَٰفِلِينَ

172. Oo (xus) markuu Rabbigaa ka soo saaray ilma Aadam dhabarradooda durriyadooda oo uu uga markhaati dhigay nafahooda: Miyaan Anigu ahayn Rabbigiin? Waxay yidhaahdeen: Haayoo! Markhaati baan ka nahay. Waa si aydaan u odhan Maalinta Qiyaamaha: Waxaan Innagu ahayn kuwo arrinkani moogganaa. info
التفاسير:

external-link copy
173 : 7

أَوۡ تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أَشۡرَكَ ءَابَآؤُنَا مِن قَبۡلُ وَكُنَّا ذُرِّيَّةٗ مِّنۢ بَعۡدِهِمۡۖ أَفَتُهۡلِكُنَا بِمَا فَعَلَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ

173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore8, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca? info

8. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Alle. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood,sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood.

التفاسير:

external-link copy
174 : 7

وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ

174. Sidaasaan u caddeynaa Aayadaha, iyo inay u soo laabtaan (Xaqa). info
التفاسير:

external-link copy
175 : 7

وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ ٱلَّذِيٓ ءَاتَيۡنَٰهُ ءَايَٰتِنَا فَٱنسَلَخَ مِنۡهَا فَأَتۡبَعَهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَكَانَ مِنَ ٱلۡغَاوِينَ

175. U akhri (Nabiyow) warka ninkii (reer banii Israa'iil ahaa waa Balaam ina Bocor) aan siinnay Aayadahayaga, ha yeeshee ka siibtay iyagii oo sheydaan duufsaday, ee ka mid noqday kuwa habowsan. info
التفاسير:

external-link copy
176 : 7

وَلَوۡ شِئۡنَا لَرَفَعۡنَٰهُ بِهَا وَلَٰكِنَّهُۥٓ أَخۡلَدَ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ وَٱتَّبَعَ هَوَىٰهُۚ فَمَثَلُهُۥ كَمَثَلِ ٱلۡكَلۡبِ إِن تَحۡمِلۡ عَلَيۡهِ يَلۡهَثۡ أَوۡ تَتۡرُكۡهُ يَلۡهَثۚ ذَّٰلِكَ مَثَلُ ٱلۡقَوۡمِ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۚ فَٱقۡصُصِ ٱلۡقَصَصَ لَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ

176. Haddaan doonno kor ayaan ugu soo qaadi laheyn, laakiinse dhulka buu isku dhajiyey oo raacay hawadiisa. Marka waxaa uu ka dhigan yahay sida Eeyga, haddaad eryato carrabka laalaadsha; haddaad iska deysana laalaadsha carrabkiisa; kani waa mataalka dadka beeniya Aayadahayaga. Ee uga qisee qisooyinka inay fakaraan. info
التفاسير:

external-link copy
177 : 7

سَآءَ مَثَلًا ٱلۡقَوۡمُ ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَا وَأَنفُسَهُمۡ كَانُواْ يَظۡلِمُونَ

177. Xumaa mataalka qoloda beeniya Aayadahayaga, nafahoodana dulmiya. info
التفاسير:

external-link copy
178 : 7

مَن يَهۡدِ ٱللَّهُ فَهُوَ ٱلۡمُهۡتَدِيۖ وَمَن يُضۡلِلۡ فَأُوْلَٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

178. Qofkii Alle hanuuniyo uun baa hanuunsan, qofkiina uu dhumiyo (ku adkeysashadiisa denbiga iyo diiddadiisa Xaqa darteed),waa kuwaa kuwa khasaaray. info
التفاسير: