クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub

Al-qalam

external-link copy
1 : 68

نٓۚ وَٱلۡقَلَمِ وَمَا يَسۡطُرُونَ

1. Nuun2.
Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Qalinka iyo waxay (malaa’igtu) qoraan.
info

1. Al-Qalam: Qalinka, waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Nuun.
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1.

التفاسير:

external-link copy
2 : 68

مَآ أَنتَ بِنِعۡمَةِ رَبِّكَ بِمَجۡنُونٖ

2. Waa igu Nicmadda Rabbigaaye, ma ahid (Muxammadow) jinnoole. info
التفاسير:

external-link copy
3 : 68

وَإِنَّ لَكَ لَأَجۡرًا غَيۡرَ مَمۡنُونٖ

3.Waxaad leedahay (Nabiyow) ajar aan weligii go'eyn. info
التفاسير:

external-link copy
4 : 68

وَإِنَّكَ لَعَلَىٰ خُلُقٍ عَظِيمٖ

4. Waxaa kuu sugnaaday (Nabiyow) dabeecad wanaagsan oo sare. info
التفاسير:

external-link copy
5 : 68

فَسَتُبۡصِرُ وَيُبۡصِرُونَ

5. Marka waad arki, iyaguna (sidoo kale) way arki, info
التفاسير:

external-link copy
6 : 68

بِأَييِّكُمُ ٱلۡمَفۡتُونُ

6. Kiinna fidmeysan (ama la cadaabo). info
التفاسير:

external-link copy
7 : 68

إِنَّ رَبَّكَ هُوَ أَعۡلَمُ بِمَن ضَلَّ عَن سَبِيلِهِۦ وَهُوَ أَعۡلَمُ بِٱلۡمُهۡتَدِينَ

7. Rabbigaa baa Ogsoon kan ka dhuma Jidkiisa, Isagaana Og kuwa hanuunsan. info
التفاسير:

external-link copy
8 : 68

فَلَا تُطِعِ ٱلۡمُكَذِّبِينَ

8. Ha adeecin xaq beeniyayaasha (nabad diidka). info
التفاسير:

external-link copy
9 : 68

وَدُّواْ لَوۡ تُدۡهِنُ فَيُدۡهِنُونَ

9. Waxay jecel yihiin inaad u iilato (oo ku raacdo wax ka mid ah baadilkooda), iyaguna (markaa) kuu soo iishaan. info
التفاسير:

external-link copy
10 : 68

وَلَا تُطِعۡ كُلَّ حَلَّافٖ مَّهِينٍ

10. Ha adeecin mid kastoo dhaar badan qiimo laheyn. info
التفاسير:

external-link copy
11 : 68

هَمَّازٖ مَّشَّآءِۭ بِنَمِيمٖ

11. Xamasho badan, u socod badan dira diro (nabiibiye ah). info
التفاسير:

external-link copy
12 : 68

مَّنَّاعٖ لِّلۡخَيۡرِ مُعۡتَدٍ أَثِيمٍ

12. Khayr diid, xad-gudbe, denbi badan. info
التفاسير:

external-link copy
13 : 68

عُتُلِّۭ بَعۡدَ ذَٰلِكَ زَنِيمٍ

13. macangag ah madax adag - intaasoo dhan ka sokow mid liita ah (aan nasab ahayn). info
التفاسير:

external-link copy
14 : 68

أَن كَانَ ذَا مَالٖ وَبَنِينَ

14. Haba lahaadee maal iyo wiilal. info
التفاسير:

external-link copy
15 : 68

إِذَا تُتۡلَىٰ عَلَيۡهِ ءَايَٰتُنَا قَالَ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ

15. Marka Aayadahayaga loo akhriyo, yidhaahda: Waa sheekooyinkii kuwii hore. info
التفاسير:

external-link copy
16 : 68

سَنَسِمُهُۥ عَلَى ٱلۡخُرۡطُومِ

16. Waxaanu ka calaameyn sanqaroorka dushiisa. info
التفاسير:

external-link copy
17 : 68

إِنَّا بَلَوۡنَٰهُمۡ كَمَا بَلَوۡنَآ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ إِذۡ أَقۡسَمُواْ لَيَصۡرِمُنَّهَا مُصۡبِحِينَ

17. Waxaanu u imtixaannay sidaanu u imtixaannay qoladii iska lahaa beerta, markay ku dhaarteen inay goosanayaan midhaha aroorta hore. info
التفاسير:

external-link copy
18 : 68

وَلَا يَسۡتَثۡنُونَ

18. Iyagoon qayb u dhigin (saboolka), dhihinna inshaa Allaah (haddii Alle idmo). info
التفاسير:

external-link copy
19 : 68

فَطَافَ عَلَيۡهَا طَآئِفٞ مِّن رَّبِّكَ وَهُمۡ نَآئِمُونَ

19. Markaasaa waxaa uga yimid amar (dab) xagga Rabbigaa habeennimadii (oo beertii gubatay) intay hurdeen. info
التفاسير:

external-link copy
20 : 68

فَأَصۡبَحَتۡ كَٱلصَّرِيمِ

20. Markaasay noqotay sida xaabo madoobaatay oo la shafay. info
التفاسير:

external-link copy
21 : 68

فَتَنَادَوۡاْ مُصۡبِحِينَ

21. Waxay isu dhawaaqeen subaxnimadii, info
التفاسير:

external-link copy
22 : 68

أَنِ ٱغۡدُواْ عَلَىٰ حَرۡثِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰرِمِينَ

22. iyagoo leh: Ku kallaha beertiinna haddaad goosanaysaan midhaha. info
التفاسير:

external-link copy
23 : 68

فَٱنطَلَقُواْ وَهُمۡ يَتَخَٰفَتُونَ

23. Markaasay tageen iyagoo ku wada tashaday si qarsoodi ah, info
التفاسير:

external-link copy
24 : 68

أَن لَّا يَدۡخُلَنَّهَا ٱلۡيَوۡمَ عَلَيۡكُم مِّسۡكِينٞ

24. Inuusan qof miskiin ah idiin soo gelin maanta (beerta, waxnana siin). info
التفاسير:

external-link copy
25 : 68

وَغَدَوۡاْ عَلَىٰ حَرۡدٖ قَٰدِرِينَ

25. Waxay kallaheen subaxii hore iyagoo go’aansan inay (beerta) ka celiyaan (masaakiinta). info
التفاسير:

external-link copy
26 : 68

فَلَمَّا رَأَوۡهَا قَالُوٓاْ إِنَّا لَضَآلُّونَ

26. Markayse arkeen beertii, waxay yidhaahdeen: War waanu dhunnay. info
التفاسير:

external-link copy
27 : 68

بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ

27. Mayee, waa la ina hoojiyey . info
التفاسير:

external-link copy
28 : 68

قَالَ أَوۡسَطُهُمۡ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ لَوۡلَا تُسَبِّحُونَ

28. Koodii u wanaagsanaa baa yidhi: Miyaana idinku odhan: (Alle) xurmo weyneeya oo hufa? info
التفاسير:

external-link copy
29 : 68

قَالُواْ سُبۡحَٰنَ رَبِّنَآ إِنَّا كُنَّا ظَٰلِمِينَ

29. Waxay yidhaahdeen: Xurmoo idil waxaa iska leh oo ceeb iyo nuqsaan ka hufan Rabbigeen. Waxaanu nahay gar diid. info
التفاسير:

external-link copy
30 : 68

فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَلَٰوَمُونَ

30. Markaasaa qaarba qaar ka hor jeesaday iyagoo is eedeynaya. info
التفاسير:

external-link copy
31 : 68

قَالُواْ يَٰوَيۡلَنَآ إِنَّا كُنَّا طَٰغِينَ

31. Waxay yidhaahdeen: Magaceen ba'ye, waanu xadgudubnay. info
التفاسير:

external-link copy
32 : 68

عَسَىٰ رَبُّنَآ أَن يُبۡدِلَنَا خَيۡرٗا مِّنۡهَآ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا رَٰغِبُونَ

32. Waa intaasoo Rabbigeen noogu beddelo beer ka wanaagsan, Isagaan innagu khayr ka rajeyne. info
التفاسير:

external-link copy
33 : 68

كَذَٰلِكَ ٱلۡعَذَابُۖ وَلَعَذَابُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

33. Waa sidaas cadaabku, Cadaabka Aakhiraana ka sii weyn, hadday ogaan lahaayeen. info
التفاسير:

external-link copy
34 : 68

إِنَّ لِلۡمُتَّقِينَ عِندَ رَبِّهِمۡ جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ

34. Kuwa Alle ka cabsada (oo ka dhowrsada xumaha) waxay leeyihiin Rabbigood agtiisa beero barwaaqo ah (Janno). info
التفاسير:

external-link copy
35 : 68

أَفَنَجۡعَلُ ٱلۡمُسۡلِمِينَ كَٱلۡمُجۡرِمِينَ

35. Ma Muslimiinta (Alle u hoggaansan) baanu kala mid dhigi denbiilayaasha. info
التفاسير:

external-link copy
36 : 68

مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

36. Maxaad leedihiin? Sidee baad wax u xukumeysaan? info
التفاسير:

external-link copy
37 : 68

أَمۡ لَكُمۡ كِتَٰبٞ فِيهِ تَدۡرُسُونَ

37. Mise waxaad heysataan kitaab aad ka akhrisataan'. info
التفاسير:

external-link copy
38 : 68

إِنَّ لَكُمۡ فِيهِ لَمَا تَخَيَّرُونَ

38. Inaad heleysaan waxaad doorataanba? info
التفاسير:

external-link copy
39 : 68

أَمۡ لَكُمۡ أَيۡمَٰنٌ عَلَيۡنَا بَٰلِغَةٌ إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ إِنَّ لَكُمۡ لَمَا تَحۡكُمُونَ

39. Mise waxaad naga heysataan ballan Xaggayaga ah lagu adkeeyey dhaar gaaraysa ilaa Maalinta Qiyaamaha inaad heleysaan waxaad doontaanba? info
التفاسير:

external-link copy
40 : 68

سَلۡهُمۡ أَيُّهُم بِذَٰلِكَ زَعِيمٌ

40. Weydii kooda uga ah arrinkaas damiin. info
التفاسير:

external-link copy
41 : 68

أَمۡ لَهُمۡ شُرَكَآءُ فَلۡيَأۡتُواْ بِشُرَكَآئِهِمۡ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ

41. Mise waxay leeyihiin shariigyo (ilaahyo u soo gargaaraya), marka ha keenaan shariigyadooda hadday run sheegayaan. info
التفاسير:

external-link copy
42 : 68

يَوۡمَ يُكۡشَفُ عَن سَاقٖ وَيُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ

42. Maalinta (Qiyaamada) marka dhudhunka la feydo (dhudhunka Alle)1 oo loogu yeedho inay sujuudaan, mase karayaan inay sujuudaan (waa gaalada iyo munaafiqiinta). info

1. Dhudhunka la feydo waxaa sidoo kale lagu fasiray ay jirto shiddada iyo dhibaatada weyn, waa Maalinta Qiyaamaha).

التفاسير:

external-link copy
43 : 68

خَٰشِعَةً أَبۡصَٰرُهُمۡ تَرۡهَقُهُمۡ ذِلَّةٞۖ وَقَدۡ كَانُواْ يُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلسُّجُودِ وَهُمۡ سَٰلِمُونَ

43. Indhahoodu hoos u rogan yihiin, dulli baa dabooli; waxaana loogu yeedhi jirey inay sujuudaan iyagoo fayow(mase yeelin). info
التفاسير:

external-link copy
44 : 68

فَذَرۡنِي وَمَن يُكَذِّبُ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِۖ سَنَسۡتَدۡرِجُهُم مِّنۡ حَيۡثُ لَا يَعۡلَمُونَ

44. Isu kaana daa Aniga iyo kuwa beeniya warkan (Qur’aanka); waxaan ka qaban si heerar ah meel aysan ka fileyn. info
التفاسير:

external-link copy
45 : 68

وَأُمۡلِي لَهُمۡۚ إِنَّ كَيۡدِي مَتِينٌ

45. Waan u seeto dheereyn, hubaal, tabteydu waa mid sugan oo adag. info
التفاسير:

external-link copy
46 : 68

أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ

46. Mise ma waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed bay la culaabeysan yihiin deyn? info
التفاسير:

external-link copy
47 : 68

أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ

47. Mise cilmiga waxaan muuqan bay hayaan, sidaas darteed iyagu qoraan? info
التفاسير:

external-link copy
48 : 68

فَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ وَلَا تَكُن كَصَاحِبِ ٱلۡحُوتِ إِذۡ نَادَىٰ وَهُوَ مَكۡظُومٞ

48. Ee ku samir Xukunka Rabbigaa, oo ha noqonnin sida (Nabi Yuunus) rafiiqii nibiriga - markuu noo yeedhay isagoo walbahaarsan, info
التفاسير:

external-link copy
49 : 68

لَّوۡلَآ أَن تَدَٰرَكَهُۥ نِعۡمَةٞ مِّن رَّبِّهِۦ لَنُبِذَ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ مَذۡمُومٞ

49. Haddaysan Nicmad xagga Rabbigi ah haleesheen, waxaa lagu tuuri lahaa cidla’ bannaan isagoo eedeysan. info
التفاسير:

external-link copy
50 : 68

فَٱجۡتَبَٰهُ رَبُّهُۥ فَجَعَلَهُۥ مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ

50. Rabbigiis baase doortay, kana mid yeelay kuwa wanaagsan. info
التفاسير:

external-link copy
51 : 68

وَإِن يَكَادُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَيُزۡلِقُونَكَ بِأَبۡصَٰرِهِمۡ لَمَّا سَمِعُواْ ٱلذِّكۡرَ وَيَقُولُونَ إِنَّهُۥ لَمَجۡنُونٞ

51. Kuwaa gaalada ahise waxay sigaan inay kugu gubaan indhahooda (dhabatoda) naceyb gala awgiis markay maqlaan Waanada (Qur’aankan); waxayna yidhaahdaan: Kani waa jinnoole. info
التفاسير:

external-link copy
52 : 68

وَمَا هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ لِّلۡعَٰلَمِينَ

52. Ma se ah (Qur’aanka) wax kale aan aheyn Waano ku socota ummadahoo dhan. info
التفاسير: